Shan waxyaabood oo laga bartay kulankii Xulalka qaranka Soomaaliya iyo Zimbabwe

Shalay, waxay aheyd maalin faraxad badan oo guud ahaan bulsho weynta Soomaaliyeed isku diyaarinayeen, inay taariikh cusub ka sameeyaan caalamka, una soo gudbaan markii ugu horreysa taariikhda, wareegga labaad ee is reebreebka koobka adduunka, lkn nasiib darro rajadaas waxaa laalay xulka Zimbabwe oo waqtigii dhimashada goolki guusha shabaqa qaranka Soomaliya ku shubay!

Haddaba, xooraansi aan ku sameeyay kulankaas, aan idinla wadaago shan waxyaabood oo laga bartay kulankii shalay.

1)Midowga Soomalida marka ay caalamka matalayaan.

Guud ahaan meel kasta ay degto qowmiyadda Soomalida, waxey shalay si weyn uga mideysnaayeen garab istaagga qaranka iyo ku farxidda guushiisa, in dhaayaha la raaceysay iyo dhegta in ku heysay ayey ahaayeen. Iyagoo markale daneynayay inay arkaan qarankood oo caalamka kasoo muuqda misana guulo gaaraya.

Waa ifafaalo muujineysa inay soomalidu ka midaysanyihiin dib usoo noolaashaha qaranka Soomaaliya iyo horumarkiisa, lkn dhibka heysta ay tahay dhiilo iyaga dhexdooda taal.

2)Soomaalida, oo gefkooda iyo guuldaradooda kuu eedeeya ummad kale!

Guuldaradi shalay qaranka soo gaartay kadib, waxaa dhaleeceyn, eed iyo hafar lagala dul dhacay garsoorihii ciyaarta dhexdhexaadinayay, isagoona loo sababeeyay inuu guuldarada qaranka qeyb ka ahaa, mana u muuqdo habacsanaanta iyo tabardarrida ka muuqatay xulka qaranka Soomaliya, oo bilow ilaa dhamaad difaac ku dhaneystay ciyaarta.

3)Tabardarrda Ciyaartoyda qaranka.

Waloow ciyaartooydi shalay u badnaayeen kuwo laga soo xulay kooxo ka dhisan waddamada reer galbeedka oo la rajeynayay inay wax badan ka duwanyihiin kuwii hore, lkn haddana waxaa ka muuqday tabardarri, mana muuqan awood ay ugu babac dhigi kareen dhigooda Zimababwe, si kastood isku qanciso, waxaana la arkayay ciyaartoyda Somaaliya oo daal badan ka muuqdo qeybihii danbe ee ciyaarta.

Ciyaartoydi hore ee laga soo xuli jiray kooxaha dalka, iyagana tabardarri darteed ayaa loogu awood sheegan jiray, xilli ay farsamadooda aad u sarrrysay. hayeeshii kuwii qurbaha laga keenay iyagana waxay noqdeen asal ma doorshe. Talow maxaa ugu wacan tabardarrida ciyaartoyda Somaalida?

4)Duco iyo habaar aan loo meel dayin!

Ka hor ciyaarta, ducooyinka baraha bulshada lagu soo qorayay tiri ma laheyn ”Ilaahow gaalada jabi, Ilaahow xulkeenna guulleey, koobka adduunka na gaarsii IWM” waxay ahaayeen ducooyinka qaranka loogu duceeyay asii aan samada loo furin. Dadku waxay u baahanyihiin inay gartaan xilliga ducada ay haboontahay iyo asbaabta lagu aqbalo.

5)Difaaca kubadda u tuuraya Goolhayaha.

Waxyaabaha la yaabka leh, ee ciyaaraha kubad cagta Soomalida u gaarka ah waxaa ka mid ah, in goolhaya uu kubadda dhulka u dhigo ciyaaryahanka difaaca ka ciyaara si uu ugu tuuro bartamaha garoonka, taasoo aheyd mid ku kooban ciyaatoyda Soomalida kaliya. Iyadana maxaa u sabab ah? Ma ogi!

Haddii marki hore nasiibka inoo ilka caddeeyay markan wuu naga iishay. Sideedaba kubadda, awood, xirfad iyo abaabul dowladeed bay u baahantahay inta ka horreysa islaamaha yaan dhiigga lagu karin.

Intaas baan soo xushee, qofna heygu xushmeeyo qofna heygu xanaaqo!

W/Q. Abdinasir Safaana

Category