Shariif Xasan oo ka dhoofay Baydhabo

Baydhabo (RH)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarrunta gobalka Baay, ayaa sheegaya in madaxweynihii horre ee maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan uu maanta ka dhoofay magaaladaas, isagoo u duulay magaalada Nairobi ee xarrunta waddanka Kenya.

Shariif Xasan ayaa shaley ku dhawaaqay in uu iscasilay isla markaana uu ka tanaasulay doorashada maamulka Koonfur Galbeed oo lagu wado in ay dhacdo 17-ka bishan November.

Shariif Xasan ayaa la filayaa in uu magaalada Nairobi ku nasto, maadama uu afar sanno soo hoggaaminayey maamulka Koonfur Galbeed.

Si wayn ayaa loo dhaweeyay Shariif Xasan markii uu maanta ka duulayey garoonka diyaaradaha ee Shaati-guud ee magaalada Baydhabo.

Dhinaca kale, Magaalada Baydhabo ee xarrunta gobalka Baay, waxaa maanta gaaray wafdi ka socda urur goballeedka IGAD, kuwaasoo magaalada u tagey sidii doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed ay ugu dhici lahayd si xalaal ah.

Wafdiga IGAD ayaa la kulmay musharrixiinta illaa hadda sheegay in ay u tartamayaan doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyo guddoomiyaha baarlamaanka ahna ku simaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye,waxaana ay dhammaan kala hadlayeen sidii doorashada ugu dhici lahayd si xalaal ah.

Magaalada Baydhabo waxaa kaloo shaley gaaray wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Cabdi Maxamed Sabriye isagoo ammaanay tallaabadii uu qaaday Shariif Xasan madaxweynihii horre oo is casilay.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category