Shiinaha oo Muqdisho keenay tallaalka COVID 19

Muqdisho (RH)-Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah lagu wareejiyay 200,000 xabbo oo ah tallaalka looga hortagayo xanuunka COVID19 oo dalka ku soo laba kacleeyay.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Dr Fowziya Abuukar Nuur ayaa lagu wareejiyay tallaalka ka yimid dalka Shiinaha, waxaana xafladda lagu wareejiyay ku sugnaa danjiraha dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya,

Tallaalkan ayaa waxaa soo saartay shirkadda Sinopharm ah ee dalka Shiinaha.

Soomaaliya waxaa horrey u gaaray tallaalka Astrazeneca oo ay qaateen dad badan oo Soomaaliyeed.

Nooc cusub oo tallaalka Covid 19 ah oo maanta soo gaaray Muqdisho

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category