Shilka Beledweyne: burburka diyaaradda siduu dameer u sababay?

Nairobi (RH)- Diyaaraddii ku burburtay garoonka Beledweyn ayaa la sheegay in ay dhacday ka dib markii ay aragtay dameer ku socday jidkii ay ku degi lahayd.

Diyaarad oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha Bluebird Aviation oo laga leeyahay Kenya ayaa shalay ku dhacday magaalada Baledweyne ee Soomaaliya, xilli ay cagadhiganeysay.

"Shilkaasi in uu dameer sababay waxaa noo xaqiijiyey shaqaalihi diyaaradda saarnaa, ciidamada AMISOM ee garoonka ku sugan iyo duuliyihi diyaaradda saarnaa intaba," sida uu BBC u xaqiijiyay maamulaha shirkadda diyaaradda Bluebird.

Diyaaraddaasi wuxuu nooceedu ahaa Dash 8-400 oo lagu sameeyey dalka Australia, waxay dalka Kenya uga diiwaangashaneed 5Y-VVU. Wuxuu dhaawac fudud gaaray shaqaalihii saarnaa.

Maareeyaha Guud ee shirkadda diyaaradaha Bluebird, Duuliye Xuseen Maxamed, ayaa BBC uga warramay shilkaas iyo waxa sababay.

"Mid ka mid ah diyaaradaha ay shirkaddu lahayd ayaa ku burburtay gudaha Soomaaliya, waxayna siday raashiin loogu talagalay ciidamada nabad ilaalinta Afrika ee AMISOM ee ku sugan magalada Beledweyne," ayuu yiri Xuseen.
Sidey wax u dhaceen?

Diyaaradda burburtay markii ay gaartay garoonka diyaaradaha Beledweyne, ciidamada Jabuuti oo garoonkaas gacanta ku haya ayaa amar ku siiyey iney soo degto.

"Diyaaraddu waxay subixi hore ka soo kacday Jabuuti, markii ay garoonka soo cagadhiganeysay waxaa waddada marayay dameer, diyaaradduna waxay ku dhacday dameerki sidaas ayeyna waddadi uga baxday balse shaqaalihi saarnaa way ka badbaadeen shilkaas".

"Diyaaradda markay cagadhiganeysay oo 200 oo mitir qayaasti ay dhulka u jirtay, dameer ayaa si kedis ah duurka uga soo baxay oo waddadi ay diyaaradda ku dagi lahayd ka gudbay.

"Diyaaraddii dameerkii ayey ku dhacday shilkaasina sidaas ayuu ku dhacay. Alxmadulillah seddexdii qof oo diyaaraddaas saarnaana wey ka badbaadeen," ayuu yiri Kabtan Xuseen Maxamed.

Xuseen Maxamed, Maareeyaha Guud ee shirkadda diyaaradaha Bluebird, wuxuu intaasi ku daray in diyaaradda ay saarnaayeen 3 shaqaala ah oo dhaawacyo fudud ay soo gaareen, kuwaas oo lagu daweeyay isbitaalka ay ciidamada Jabuuti gacanta ku hayaan.

Duuliye Xuseen wuxuu sidoo kale xaqiijiyey in diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca ee helikobtarka ah oo ay leeyihiin AMISOM oo Muqdisho ka soo duushay in lagu qaaday shaqaalihi diyaaradda saarnaa.

"Annaguna diyaarad ayaan shaqaalihi shirkadda u dirnay xalay fiidki waxayna keentay Nairobi, si caafimaadkooda loo hubiyana waxaa la geeyey isbitaalka Aga Khan oo ku yaalla magalada."

Duuliye Xuseen ayaa yiri: "Ciidamada Jabuuti ee AMISOM ka tirsan waxay inoo sheegeen in 'aysan dameerka arkin markii ay diyaaradda ku amrayeen in ay soo degto balse markii ay diyaaradda dhulka waxyar uun u jirtay in uu dameerka duurka ka soo baxay', horayna ay arrima noocani ah u dhaceen inkastoo aysan shil noocaan ah sababin".

"Duuliyeyaashi diyaaradda iyo ninki ka socday AMISOM seddexdoodaba caafimaadkooda aad buu u wanaagsan yahay wax dhib ahna ma qabaan, waxyna dhakhaatiirta noo xaqiijiyeen in aysan wax dhib ah qabin."

"Shilka diyaaradeed ee dhacay cidna uma qabsaneyno balse qasaaraha naga soo gaaray shilkaasi waxaan kala tacaamuleynaa shirkadda ceymiska oo ay diyaaradda ku jirtay ama alaabti saarneyd haddey tahay," ayuu yiri Maareeyaha Guud ee shirkaddaasi diyaaradaha Bluebird Aviation Xuseen Maxamed oo BBC u warramay.

Diyaaradaha Kenya ee Soomaaliya horey ugu burburay

Diyaaraddan ayaa noqoneysaa tii seddexaad oo laga leeyahay dalka Kenya oo ku burburto gudaha dalka Soomaaliya seddexdi bilood ee ugu dambeeyey, iyada oo shilki ugu horreyey uu dhacay 4-ta bishii May.

Shirkadda diyaaradaha Blubird Aviation oo ah shirkad diyaaradeed oo maxalli ah oo laga leeyahay dalka Kenya kana diiwaangashan laga billaabo 1992-kii waxay ka howlgaleysay gigada diyaaradaha duullimaadyada maxalliga ah ee Wilson.

Diyaarad ay lahayd African Express oo ku dhacday meel ku dhow Bardaale ee dalka Soomaaliya waxaa ku dhintay dhammaan lixdi qof ee saarnaa.

Diyaaradda seddexaad ee Soomaaliya ku burburtay ee Soomaliya laga leeyahayna waxay ahayd diyaaraddi 5-July ku burburtay Baardheere ee gobolka Gedo xilli ay soo cagadhiganeysay uu taayar qarxay.

25-ki Bishi May diyaarad laga lahaa dalka Kenya oo ku diiwaan gashneyd lambarka 5Y-VVA waxaa gantaal ku soo riday cid aan la garaneyn balse si nabad ah ay ku soo caga dhigatay.

ISHA: BBC

Category