Shir Lagaga Hadlayey Adkeynta Nabadgelyada Oo Lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Hargeysa(RH)Shir  lagaga hadlayay nabad galayada guud ee maalinta qaranimada Somaliland ayaa lagu qabtay Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Maroodi jeex ee magaalada Hargaysa.

Shirkan waxaa Goob joog ka ahaa  Xubnaha Guddida nabadgalyada ee Gobolka Maroodijeex waxaana lagaga hadlay u diyaar garowga Xuska 18 May .

Waxaa ugu horayn halkaasi ka hadlay Maayarka Caasimadda Hargaysa Mudane C/raxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco oo ka warramay Kulankan iyo ahmiyada uu leeyahay,Waxaanu u soo Jeediyey Dadweynaha ku dhaqan Gobolka Maroodijeex inay kaalintooda ka qaataan Ilaalinta Nabadgalyada Maadaama ay fooda innagu soo hayso Munaasibadda qaran ee 18 May ee 28 Guurada ka soo wareegtay Markii ay Jamhuuriyadda Somaliland la soo noqotay Xornimadeeda.

Jaamac Xaaji Axmed Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ayaa sheegay in ilaalinta nabadgalyadu ay Tahay Shayga ugu weyn ee aynu Xuska 18 May ku Muujinayno Waxaa kale oo uu Shacabka ku baraarujiyey inay Muujiyaan Isku duubni iyo Wada Jir ku aadan Muunaynta Munaasibadda Qaran ee 18 May.

 

Category