Shir looga hadlayo arrimaha garsoorka oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Arbaco ah ka furmay shirweyne looga hadlayo arrimaha garsoorka, waxaana ka qeybgalaya madaxda hey'adda garsoorka dalka iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa madasha shirka ka sheegay in sannadkaan xoogga la saarayo hirgalinta Sharciga.

Guuddoomiye Baashe

Waxa uu ka sheekeeyay arrimo dhowr ah oo hey'addaha garsoorka ay qabteen dhowrkii sanno ee la soo dhaafay.

Wasiirka cadaaladda Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlayey shirka garsoorka ee Muqdisho ka furmay ayaa sheegay in horumar ballaaran laga gaaray garsoorka dalka.

Waxa uu shacabka u sheegay in dowladda ay ka soo dhalaali doonto arrimaha garsoorka ayna xoojin doonaan arrimaha caddaaladda

Shirkan oo socon doona labo maalin ayaa la filayaa in gabagabadiisa laga soo saaro war murtiyeed ay ku qoran yihiin qodobada looga hadlay.

Shirka GarsoorkaMartida shirka ka qeybgalasa

Shirka oo kii seddexaad ee la qabto intii ay jirtay dowlada Farmaajo ayaa waxa ka soo qaybgala labada heer ee Garsoorka dalka, waxaana lagu lafa guraa guulaha, caqabadaha iyo qorsheyaasha Garsoorka. waxaana sannadkan hal ku dhig u ah ‘Hirgeli Sharcigu’

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category