Shirka Ansixinta Siyaasadda Shaqo Abuurka Somaliland  Oo ka Furmey Hargeysa

Hargeysa(RH)Waxaa maanta  Magaalada Hargeysa ka Furmey Shir lagu ansixinayo Siyaasadda Shaqo Abuurka Qaranka Somaliland ,shirkan ayaa socon doona mudo laba maalmood ah waxana shirkaasi inta uu socdo lagu lafa-guridoonaa  qabyo-qoraalka siyaasadda Shaqo Abuurka Qaranka oo ay si wada jir ah iskaga kaashadeen Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Wasaaradda Shaqo-Gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska oo uu taageerayo Baanka Adduunku.

 

Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin kala duwan oo ka socda wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dawladda isla markaasina waxaa  lagaga dooday qabyo-qoraalkaas iyo sidii guud ahaan loo hirgelin lahaa siyaasadda shaqo abuurka qaranka  uuna u noqon lahaa mid dhamaan laga wada shaqeeyo hirgelintiisa.

 

Shirkan waxa si rasmi ah u furay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Farxaan Aadan Haybe iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, Maxamed Aadan (Ilkacase)

 

Sidoo kale waxa shirkan goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka kala socotay Wasaaradaha Iyo hay’adaha Dawladda, Ururrada aan dawliga ahayn iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee dalka oo qayb ka ahaa samaynta Siyaasadda Shaqo Abuurka Qaranka ee Somaliland

 

Category