Shirkii dib u heshiisiinta Dhuusamareeb oo Maanta la soo Gabagabeenayo

Dhuusamaareeb (RH)-Waxaa maanta oo isniin ah, lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb laga soo gabagabeeyo shirweynihii dib u heshiisiinta beelaha galmudug, oo halkaasi ka socday 11-kii maalin ee la soo dhaafay.

Dhinaca kale, madaweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galinka dambe la filayaa in galinka dambe ee maanta uu tego dhuusmareeb si uu soo xiro shirkaas.

Shirka ayaa la soo gabagabeen doono caawa, iyadoo laga soo saari doono war-qoraal ah oo ku saabasan waxyaabaha ka soo baxay inta shirka u socday.

Shirka intii uu socday waxa ka qayabgalay illaa 500 oo ergo oo ka kala socday 11 beelood oo ka kala yimid deegannada kala duwan ee Galmudug.

Shirka intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay dooddo ku saabsan sida lagu heli karo Galmudug loo dhana yahay.

Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya, ee tegaya Dhuusamareeb waxaa ka mid ah madaxweynaha xilka ka degaya Axmed Ducaale Geelle Xaaf, oo ay tahay markii ugu horreysay oo uu tego halkaas tan & markii ay is khilaafeen xubno ka tirsan hoggaanka sare ururka Ahlu Sunna

Shirka marka uu soo dhammaado, waxaa lagali doonaa soo xulista ergooyinka dooranaysa baarlamaanka cusub ee Galmudug, dabadeedna waxaa loo gudbi doonaa doorashada madaxweynaha Galmudug.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

dayaasha iyo wax garadka shirka ka qaybglay ka oo

Category