Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Maanta Lagaga Dooday Qodobbo Muhiima

Hargeysa(RH)Kal-fadhigii 42-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaradaha horumarinta Maaliyadda iyo shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, ayaa golaha warbixin ka siiyey diyaarinta miisaaniyad sannadeedka qaranka ee 2020-ka, taasoo ay diyaarinteeda ku hawlantahay wasaaradda horumarinta maaliyaddu, isagoo ku dheeraaday wasiirku miisaaniyadda iyo qaybeheeda, si waafi ahna u sharraxay ahmiyadda weyn ee ay qaranka u leedahay odoroska miisaaniyad sannadeedka 2020-ka oo siyaasaddeedu ku salaysnaan doonto mashaariic horumarineed oo waafaqsan qorshaha labaad ee horumarinta qaranka.

 

Wasaaradda horumarinta maaliyaddu iyadoo ka duulaysa oddoroska miisaaniyad sannadeedka 2020-ka, waxay diiradda saaraysaa, soo ururinta dakhliga miisaaniyadda.

Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska, ayaa golaha u qaybisay nuqullada siyaasadda qaran ee shaqo-carbinta oo ay soo diyaarisay wasaaraddaasi, iyadoo wasiirku sharraxaad ka siisay golaha muhiimadda siyaasadani u leedahay shaqo-carbinta iyo sida loogu dabbaqi doono.

 Ugu danbayn wasiirka wasaaradda boosaha Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, ayaa golaha u soo bandhigay nidaamka hirgelinta E-Government Somaliland, kaasoo goluhuna u ballamay in loo qabto kal-fadhi aan caadi ahayn oo lagu gorfeeyo.

 

 

 

Category