Shirkii madaxda dowladda iyomaamul goballeedyada oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shir u dhaxeeya Madaxweynaha Dawladda Federaalka iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyaada oo uu weheliyo guddoomiyaha gobolka Banaadir kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashada Soomaaliya.

Shirkan oo dhawr jeer oo hore dib u dhacay ayaa ugu dambeyntii maanta barqadii ka furmay aqalka madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Kusimaha Agaasimaha Warfaafinta iyo Xidhiidhka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo furitaanka shirka kaddib la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay dedaalka Madaxdu ay ku bixinayaan sidii loo sii amba-qaadi lahaa dhammeystirka Heshiiska Doorashooyinka Dalka si ay wakhtigeeda ay ugu qabsoonto.

"Madaxtooyada Qaranka waxa ay soo dhaweynaysaa sida Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay uga dedaaleen ka soo qeybgalka Shirkan, iyadoo haatan loo dhan yahay kamira-dhalinta Shirkan oo muhiim u ah hirgelinta doorashada dalka, " ayuu yidhi Cabdirashiid.

Shirkan ayaa imaanaya kaddib markii shirkii Dhuusamareeb 3 ay ka maqnaayeen madaxda labada maamul goboleed ee Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo dood ka qaba natiijadii ka soo baxday shirkaasi hore.

Inta uu shirka socdo ayaa waxaa lagu lafa guri doonaa Arrimo la xiriira doorashooyinka dalka, si go’aan rasmi ah looga gaaro lana qabto doorasho la isku raacsan yahay maadaama muddo xileedka Hay’adaha dowladda uu dhamaad yahay.

Category