Shirkii Muqdisho ka socday oo fashilmay

Muqdisho (RH)-Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa galabta sheegtay in madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland ay ka socon la yihiin wadahalladii looga hadlayay khilaafka ka taagan doorashada Somalia ee 2021.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo goordhow shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntand Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam inay diidan yihiin dalka inay ka dhacdo doorasho la iska oggolyahay

"Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo. Waana wax laga xumaado in  labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn"ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland in shirka ay keeneen shuruudo cusub oo aan ahayn kuwii looga hadlayay arrimaha doorashooyinka.

Maanta galinkii horre ayaa madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, kuwa maamul goballeedyada iyo guddoomiyaha gobalka Banaadir uu shir uga furmay hangarka garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Waxaa muuqata in shirka maanta uu ku soo dhammaado natiijo la'aan, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland oo lagu eedeeyay in shirkan ay fashiliyeen.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category