Shirwaynaha Qaranka ee Teknoolajiyada oo ka socda Baydhabo

Baydhabo (RH)-Magaalada Baydhabo waxaa maalintii labaad ka socda shirwaynaha qaran ee Teknoolijiyada, waxaana ka qaybgalaya xubno ka socda dowladda federaalka iyo maamul goballeedyada.

Wasiirka Teknoolajiyada maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Nuur Sheekh Cadde oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in shirkan uu ahmiyad gaar ah u lee yahay dadka deggan magaalada Baydhabo maadama magaaladooda lagu qabanayo shirkii afaraad ee wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknoolojiyada Soomaaliya iyo wasaaradaha uu shir uga socdo magaalada Baydhabo.

Wasiirka isgaarsiinta iyo Boostadaha Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay shirkan inta uu socdo in lagu lafaguri doono sidii loo horumarin lahaa isgaarsiinta iyo teknoolijiyada Soomaaliya si looga faa'ideysto.

Wasiirka ayaa sheegay in shirka lagu soo bandhiggi doono wax yaabihii ka qabsoomay saddexdii shir ee horrey u yeesheen dowladda iyo dowlad goballeedyada.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa sheegay in marka horre ay ka mahadcelinayaan in shirwaynaha qaran ee teknoolajiyada lagu qabto magaalada Baydhabo.

Lafgareen ayaa sheegay adduunyada maanta meesha ay mareyso in ay horseeday teknoolijiyada loona baahan yahay in laga faa'ideysto.

Shirkan oo socon doona saddex cisho ayaa gabagabadiisa la filayaa in uu ka soo baxo war-saxaafadeed ku saabsan qodobada looga hadlay.

Soomaaliya oo ka mid waddamada soo koraya caalamka ayaa dooneysa in ay ka faa'ideesto Teknoolijiyada.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category