Somaliland iyo UK Oo Ka Wada-hadlay Amniga Gobolka iyo Doorashooyinka Dalka

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo safiirka dalka Ingiriiska, Amb. Ben Fender ayaa ka wada-hadlay xaaladda amni ee gobolka .

 

Amb. Ben Fender oo uu wehelinaayey Mr Stuart Brown oo ah madaxa xafiiska Ingiriiska ee Somaliland oo dalka ku yimid safar shaqo oo ah safiirkii u danbeeyey shaqadiisa ayaa kulan xog warran la qaatay Xukuumadda.

 

Kulankan ayaa lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen arrimaha doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ee golaha wakiillada iyo deegaanka oo lagu wado inay dalka ka qabsoonto 31/05/2021. Ka dib markii ay cayimeen komishanka doorashooyinka qaranka, kuna raaceen saddexda xisbi qaran loona gudbiyey golaha guurtida Somaliland oo go’aanka u danbeeya iska leh.

 

Waxa kale oo lagu lafo guray kulanka deeqaha dalka ingiriisku Jamhuuriyadda Somaliland ku taageero dhinaca mashaariicda horumarineed ee arrimaha bulshada, sidoo kale waxa laga wada hadlay xaaladda amni ee wakhtigan ay ku sugan tahay mandaqadda geeska Afrika.

 

Waxaanu madaxwweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, safiirka uga mahadnaqay muddadii ay soo wada shaqeeyeen, maaddaama oo lugtii ugu danbaysay shaqadiisu ay ahayd maanta oo madaxweynuhu ku qaabilay xafiiskiisa. Iyadoo madaxweynuhu uga mahadnaqay dawladda Ingiriiska inay is waafajisay tiirarka qorshaha horumarinta Somaliland iyo deeqaha Ingiriisku siiyo Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Dhiniciisa, safiirku waxa uu madaxweynaha iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland-ba uga mahadnaqay sidii milgaha iyo sharafta lahayd ee ay ula shaqeeyeen intii uu xilkaasi hayey.

 

Category