Somaliland oo soo dhaweysay dood ku saabsan aqoonsigooda oo BL Kenya yeeshay

RH: Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ka hadlay arrimo ku aadan  xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo  dawladda dalka Kenya.

Ugu horreyn wasiirka ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo dood la sheegay inay todobaadkaan golaha wasiirada Kenya ay ka yeelanayaan Aqoonsiga Somaliland.

Wasiir Faratoon ayaa xusay in Kenya ay tahay dal ay daris yihiin, islamarkaana uu kala dhexeeyo xiriir dhinacyo kala duwan leh.

“Kenya waa dal aynu jaar nahay, waa dad aynu xiriir dhinacyo badan leh leenahay, wefdiyo culus ayey marar badan inoo soo direen, inaguna sidaas si la eg wefdiyo ayeynu u dirnay, marka iskaashiga aynu la leenahay weynu sii adkaynaynaa, haddii ay qadiyaddeena iyo aqoonsigeena ka doodayaan waanu soo dhaweynaynaa Kenya.” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Somaliland ay diyaar u tahay inay sii xoojiso xidhiidhka ay la leedahay wadamada caalamka.

Somaliland ayaa waayadii dambe sameyneysay xidhiidho caalami ah, waxaana ugu dambeeyey midkii ay dhowan la yeelatay jasiirada caanka ah ee Taiwan iyo mid la sheegay in ay Masar isku dhaafsanayaan xafiisyo dublamaasiyadeed kaa soo ay itoobiya ka shakiday in uu hawlo kale dabada kuwato.

Category