Somaliland: Wasiirkii Afraad Oo Laga Helay Cudurka Covid-19

Hargeysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) oo Warbaahinta kula hadlay Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood ayaa Cadeeyey in  laga helay Xannuunka Koofidh-19.

 

Wuxuuna wasiirku bulshada la wadaagay in laga helay xannuunka Coronavirus uuna caafimaadkiisu aad u wanaagsan yahay, isaga oo sheegay in cudurkaasi muddooyinkii u dambeeyey uu bulshada caalamka saameyn weyn ku lahaa dad badan oo reer Somaliland ahna laga helay, wuxuuna wasiirku tilmaamay inuu yahay qofkii ugu horeeyey ee lagu baadho shaybaadhka cudurka koofidh-19 ee xukuumaddu gaadhsiisay gobolka Sool, isla markaana waxa uu ammaan iyo bogaadin u soo jeediyey bahda wasaaradda horumarinta caafimaadka ee Somaliland heer qaran iyo mid gobolba, kuwaas oo uu xusay in ay si wanaagsan u gudanayaan waajibaadkooda qaran.

 

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland ayaa sheegay in masuuliyadda iyo waajibaadka qaran ay farayaan in hadba wixii soo kordha ay bulshada la wadaagaan, sidaas darteedna uu bulshada u soo bandhigay in xannuunkaas laga helay, wuxuuna intaas raaciyey maadaama oo uu ka mid yahay guddida heer qaran ee xakameynta cudurka koofidh-19 in masuuliyad gaar ahi sii saran tahay in uu bulshada u soo bandhigo jiritaanka xannuunkan, isaga oo wasiir Saleebaan Yuusuf Cali (koore) xusay in muddooyinkii dambe lays dhigtay oo loo qaatay in xannuunkaasi ka dhammaaday Somaliland, balse ay weli jirto khatarta cudurkaasi.

 

Sidoo kale, wuxuu sheegay wasiirku inuu shaqada qaranka iyo hawshii shirka nabadaynta ee ka socday degmada Adhi-cadeeye ee gobolka Sool, uu ku sii wadi doon hababka kala duwan ee Isgaadhiinta hadba intii suuragal ah, isaga oo xusay in ay intii badnayd ee shirka nabadaynta ay soo dhammeeyeen isaga iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) inta dhayna ay soo gabogabayn doonaan dhawaan haddii alle idmo.

 

Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa noqonaya Wasiirkii Afraad ee laga helay Covid-19 tan iyo markii cudurka lagu arkay degaanada Jamhuuriyadda Somaliland.

Category