Soomaaliya: 20 Qof oo u dhintay xanuunka COVID 19

Muqdisho (RH)-Dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Sabti ah sheegtay in 48-dii saac ee la soo dhaafay ay 20 qof ugu dhinteen xanuunka Covid19, waa tiradii ugu badneed ee hal maalin la diiwangaliyay.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegta in 191 kiis la diiwangaliyay.

Kiisaska ugu badan ee xanuunka ayaa laga helay magaalada Muqdisho,sida lagu sheegay xogta wasaaradda caafimaadka, waxaana ku xigay Somaliland oo laga helay 31 qof, halka Jubbaland laga diiwaan galiyay 16 qof.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya waxay kaloo warbixinteeda ku sheegtay in ay 31 qof ka bogsadeen cudurka.

Inkastoo cudurka si aad ah u faafayo haddana weli dadka Soomaaliyeed si dhab ah uguma baraarugsana halista cudurka iyo sida dadku ugu geeriyoonayaan maalin kasta.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category