Soomaaliya: Kiisaska COVID 19 oo kordhay

Muqdisho (RH)-Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay in kiisaska feyriska Corona ee dalka ay kordhayaan maalinba maalinta ka dambeysa.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qoraal ay dhawaan soo dhigtay barta Twitterka ay ku lee dahay waxa ay shaacisay kiisaskii ugu badnaa ee cudurka Coronavirus laga helay dalka 48-kii ee saa ee la soo dhaafay.

Qooraalka wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay in 48-kii saacadood ee la soo dhaafay la baaray 1,830 ruux, balse cudurka laga helay 304 qof.

Tan iyo markii dalka laga diwaan geliyaya kiiskii ugu horreeyay COVID19 waxaa uu haleeyay  6,687 oo qof waxaa ka bogsootay 3,784 oo qof iyadoo tirada dadka u geeriyooday ay gaartay 223 qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category