Soomaaliya oo "balaayiin doolar heli doonta sanadaha soo socda"

Soomaaliya ayaa lagu wadaa in sanadaha soo socda ay dhaqaale badan ka hesho shidaalka laga sahmiyay badda ee dhawaan la filayo in la soo bandhigo.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in bisha Disembar ee sanadkan ay soo bandhigi doonto maclumaadka la xiriira sahankii laga sameeyay kheyraadka ku jira badda.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka, Cabdirashiid Maxamed Axmed, oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in shidaalkaas laga helay inta u dhaxeysa Kismaayo iyo Hobyo, wuxuuna intaa raaciyay in shirkado caalami ah ay u tartami doonaan xirmooyinka shidaalka Soomaaliya.

"Shidaal in la soo saaro waxaa ka horeeyso sharcigii lagu dhaqi lahaa in la dhameystiro, oo golaha shacabka ayaa meel mariyay, haddana waxaa uu la yaalaa Aqalka Sare, kadibna Madaxweynaha ayaa loo gudbin doonaa oo saxiixi doono", ayuu yiri wasiirka batroolka.

Wuxuu intaa raaciyay in mar allaale marka la dhameeystiro shuruucdaas, ay dowladda Soomaaliya billaabi doonto soo saarista shidaalka.

"Inta la qiyaasay oo shirkadihii noo sameeyay baaritaanka ay qiyaaseen, macluumaadka laga helay waxaa lagu qiyaasay in 15-ka xirmood ay ku jiri karto 30 bilyan oo fuusto, oo hadba fuusta walba lagu qiimeyn doono qiimaha uu suuga ka joogo markaas, shirkadana inta lagu la heshiiyo ayay qaadaneysa, Soomaaliyana ay usoo hareyso inta kale iyo canshuurta laga qaado shirkadaas", ayuu raaciyay wasiirka.

Waxaa kale oo uu wasiirka sheegay in hawlaha shidaal soo saarista ay qaadan karto 5-8 sano, Soomaaliyana ay ka heli doonto boqolaal bilyan oo doolar.

Inkastoo Soomaaliya ay dagaalo sokeeye ka soo kabaneyso ayaa haddana waxaa uu wasiirka sheegay in dalal badan oo doonayo in ay shidaal dhoofiyaan ay Soomaaliya ka fursad wanaagsan tahay, marka la eego halka ay ku taalo oo ay sahlan tahay in shidaalka loo dhoofiyo dunida inteeda kale.

"Waxyaabaha ugu muhiimsan oo anaga dal ahaan nagu la xulanayo ayaa waxaa kamid ah keydka shidaalka Soomaaliya oo uu calamaka oo dhan ogyahay, oo keyd fiican uu ku jiro, arrinta labaadna waxa waaye in Soomaaliya ay ku taalo goob istaraataji ah oo haddii shidaal la soo saaro ay fududahay in la iib geeyo", ayuu sii raaciy

Wasiirka waxaa uu xusay in shirkado badan ay ku tartami doonaan sanadka 2020-ka.

Wuxuu intaa ku daray in halka laga helay xirmooyinka cusub ay ka fog yihiin aag-badeedka ay ku muransan yihiin Soomaaliya iyo Kenya, murankaas oo haatan horyaala maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

Maalgashiga Gaas-ka iyo shidaalka ayuu sheegay in fursad shaqo ay u noqon doonta dhalinyarada, taas oo gacan ka geysan karta in da' yarta aysan ku biirin kooxaha burcadda, qeybna ka qaataan ammaanka dalka.

Madaxda Soomaaliya ayaa sanadkii 2018-ka ku heshiiyay qeybsiga kheyraadka dalka, waxaana heshiiskaas ioo ka dhacay Magaalada Baydhabo sku waafaqay madaxda maamul goboleedyada dalka, Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha.

Madaxweynah dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in dhawaan uu saxiixo sharciga shidaalka, kadibna loo guda geli doono soo saarista shidaalka.ay.

 

source. BBC

Category