Soomaaliya oo la safatay Sacuudiga oo xiriirka u jaray Canada

Muqdisho (RH)- Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya waddaamada Saudi Arbia iyo Canada oo xiriirkooda uu gaaray meeshii ugu xumaa ebid.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda, oo ku qoran afka Carabiga ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay garab taagan boqortooyada Sacuudiga isla markana ay ku xuntahay khilaafka diblomaasi ee labada waddan.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay xaaladihii ugu dambeeyay ee ku soo kordhay xiriirka Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo Canada.” Ayaa lagu yiri Qoraalka.

“Iyadoo laga ambaqaadaayo arrinkani, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa taageeridda mowqifka diidmada ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee faragelin dibadeed oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha, iyadoo la tixgelinayo mabda’a aan oggolaanayn faragelin ee lagu caddeeyay Axdiga Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto gobonnimadeeda iyo madax bannaanida go’aan gaariddeeda iyo waxa ay jideyso oo ah siyaasado ama habab garsooreed oo xiriir la leh shuruucdeeda qaran.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay rajeyneysaa Riyadh iyo Ottawa inay ka gudbaan khilaafaadkooda si xiriirkoodu u sii socdo oo saldhig u ah kalsooni iyo xushmad is dhaafsi.

Xiriirkii diblomaasi ee Sacuudiga iyo Canada ayaa xumaaday kaddib markii dowladda xukuumadda ay Axaddii ku dhawaaqday in ay joojisay xiriirkii ganaci eek ala dhexeeyay Ottowa isla markaana u yeeray danjirihii u fadhiyey Ottowa halka danjirahii Canada ee Riydadh loo qabtay inuu muddo 24 saac gudahood uga baxo Sacuudiga.

Muxuu salka ku hayaa Khilaafka Sucuudiga iyo Canada

Go’aankan sidan u culus ayaa yimid kaddib markii dowladda Canada ay ku baaqday sii deynta Raif Badawi iyo Samar Badawi  oo ah walaalo u dhashay dalka Sacuudiga walow Samar Badawi bil ka hor isaga qoyskiisa ay qaateen dhalashada Canada.

Labadan walaalaha ayaa lagu xiray Sacuudiga, waxaana dowladda ay ku xukuntay in lagu garaaco 1,000 jeedal maadama ay aflagaadeen diinta Islaamka.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda oo ka muuqday carro ayaa waxa lagu sheegay in dowladda Sacuudiga aysan aysan aqbalin isla markaana aqbali doonin in la soo faragaliyo arrimaha gudaha waddankiisa hadalka Canadana uu yahay mid ka dhan ah madax bannaanida Sacuudiga.

Marka laga tago Soomaaliya, waxaa kaloo go’aanka Sacuudiga uu xiriirka uga jiray Canada soo dhaweeyey waddamada Khaliijka sida Imaaraadka, Baxrayn iyo Kuwait.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category