Sucuudiga oo aqoonsadey Baasboorka Somaliland

Wargeyska Daily Sabah ee kasoo baxa dalka Turkiga ayaa qoray in loolan cusub oo u dhaxeeya Sacuudiga iyo Qatar uu ka billowday Soomaaliya, ayada oo labada dhinac ay qaadeen tallaabooyin iska soo horjeeda.

Wargeyska ayaa qoray in ayada oo Sacuudiga uu u muuqdo mid aqoonsanaya Somaliland, ay Qatar dhinac kale xoojineyso dowladda dhexe ee Muqdisho oo ay xulufo yihiin.

cffgr

Sacuudiga ayaa dhowaan casuumad madaxweyne oo rasmi ah u fidiyey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka qeyb-galay xajkii sanadkan. Hase yeeshee waxaa yaab lahaa baasaboorka uu ku safray, sida wargeysku qoray.

Daily Sabah ayaa sheegay in Sacuudiga uu ogolaaday in Muuse Biixi uu adeegsado baasaboorka Somaliland, beddelka baasaboorka Soomaaliga. Tallaabadan, ayaa sii xumeysay xiriirka markii horeba aan cagaha adag ku taagneyn ee dowladda Muqdisho iyo Riyadh.

bbbb

Tallaabada Sacuudiga ayaa dirtay farriin ah in Sacuudiga qorsheynayo inuu Somaliland u aqoonsado dal ahaan.

sida la ogyahay madaxda sare  iyo masuuliyiinta Somaliland ayaa dalal badan ugu ugu safra Baasboorka leh astaanta iyo Calanka Somaliland dalalkaasna waxaa ka mid ah Ingriiska, Turkiga,Itoobiya,Kenya, Jabuuti ,Imaaraadka iyo qaarkale oo badan.

Qatar ayaa iyana qaaday tallaabo ay ku xoojineyso dowladda dhexe ee Soomaaliya, ee loolanka uu kala dhaxeeyo Somaliland, ayada oo shaaca ka qaaday qorshe ay ku dhiseyo dekedda muhiimka ah ee Hobyo.

Hobyo ayaa waxay ku taalla goob muhiim ah waxayna u dhowdahay Marinka Bab el-Mandab, oo ah mid ka mid ah baraha la isaga gudbo ee badaha caalamka, taasi oo dekedda Hobyo u fureysa suuqyada caalamiga ah. 

 

Category