Sucuudiga oo qirtay dilka weriye Jamaal Khashgooji

Riyadh (RH)- Todobbaad markii Sucuudiga ay beeninayeen in ay dileen weriye Jamaal Khashoggi, ayaa hadda waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan in xukuumadda Riyadh ay khaarijisay weriyahaas.

Khashoggi, ayaa lalaa muddo labo todobaad xilligaas oo u tagey qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istanbul.

Sucuudiga waxa uu sheegay Khashoggi, in uu ku dhintay dagaal ka dhacay gudaha qunsuliyadooda Istanbul, sidaasna waxaa saxaafadda u sheegay wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga oo saxaafadda u warramay xaley.

Talafishanka Qaranka Sucuudiga ayaa baahiyay, Illaa 18 qof ayaa loo xiray dilka weriyaha, waxaana ku jira saraakiil sare sare oo dhinaca sirdoonka, waxaana ka mid ah ku-xigeenka madaxa sirddoonka Axmed Al-Caasiri iyo la taliyaha arrimaha sharciga boqortooyada Sacuud Al Qaxdhaani kuwaaso la sheegay in ay aad ugu dhawaayeen dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Dadka la soo xiray oo dhammaan u dhashay Sucuudiga, ayaa haatan xabsi ku jira, waxaana la sheegay in ay isku dayeen in ay qariyaan dilka weriyaha.

Ilo ku dhow dhow baarayaasha Turkiga, ayaa sheegay in meydka weriyaha lagu tuuray keymo ku yalla dhismaha qunsuliyadda.

Jamal Khashoggi ayaa dhaleeceen jiray dowladda Sucuudiga, waxaana muddooyinkii dambe ku noolaa dalka Mareykanka.

Jimcihii shaley, ayaa madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump sheegay in weriyaha la la’yahay Jamal Khashoggi uu dhintay.

Trump oo wajigiisa laga dheehan karay walaac badan ayaa saxaafadda u sheegay haddii Sucuudiga ay cadaato ku lug lahaanshiyaha dilka weriyahaas su’aalo qoto dheer la iska weydiin doono isbaheesiga ay ee yihiin Mareykanka iyo xukuumadda Riyadh.

Su’aalo la weydiiyey dadka la xiray

Dhinaca kale, xeer-ilaaliyaal ka tirsan Turkiga ayaa Jimcihii shaley su’aalo weydiiyay tiro shaqaaqle ah oo ka tirsan qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul, sidaas waxaa qortay wakaaladda wararka Turkiga Anadolu.

Telefishin gaar loo lee yahay oo Ahaber ayaa sheegay in ilaa 15 shaqaale ah oo ka shaqeeya qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul su’aalo la weydiiyey Jimcihii.

Shaqsiyaadka su’aalaha la waydiiyey waxaa ku jira darawalka qunsuliyada, farsamoyaqaannada, xisaabiyeyaasha iyo shaqaalaha ka howlgala qeybta taleefonada

.Khashoggi ayaa markii ugu dambeysay lagu arkay dhismaha qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istanbul labadii bishan, wixii xilligaas ka dambeeyana lama arag.

Madaxii horre ee hey’adda sirdoonka Ingiriska MI6 ayaa sheegay in weriyaha la’ yahay ee u dhashay ucuudiga ay u muuqato in la dilay isla markaana lagu dilay amar ay bixiyeen shaqsiyaad ku dhowdhow dhaxalsugaha dalka Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Turkiga iyo macluumaadka uu hayo

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu, ayaa sheegay in dalkiisa uusan la wadaagin wax macluumaad ah oo ku saabsan maqal ama muuqaal weriyaha la dilay Jamal Khashoggi.

Isagoo lahadlayey wakaaladda wararka dowladda ee Anadolu ayuu sheegay Turkiga in uu la wadaagi doono caalamka baaritaanka ay ka sameeyeen dhimsha qunsuliyadda ee magaalada Istanbul.

Cavusoglu ayaa hadalkan sheegay isagoo booqanayey Albania Jimcihii.

Khashoggi oo ahaa 60 jir, ayaa horrey maamule iyo tifaftire uga soo noqday Chenalka Al-Arab News sidoo kale waxa uu tifaftire ka soo noqday wargeyska Al Wadan ee ka soo baxa Sucuudiga.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category