Sucuudiga wuxuu markii ugu horreysay qirtay dilka weriye Jamaal Kaashogji

Warbaahinta dowladda Sucuudiga waxay sheegtay in weriye Jamaal Kaashogji uu geeriyooday kaddib markii uu ku dhintay dagaal ka dhacay qunsuliyadda gudaheeda xilli uu halkaasi joogay.

Wararka waxay sidoo kale sheegayaan inuu Jamaal ku dhintay dagaal qunsuliyadda gudaheeda ku dhexmaray isaga iyo dad joogay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul.

Xukuumadda Sucuudiga waxay shaqada ka ceeyrisay ku-xigeenka sirddoonka Axmed Al-Caasiri iyo la taliyaha arrimaha sharciga boqortooyada Sacuud Al Qaxdhaani kuwaaso iska foggeeyay inay wax ka ogaayeen dilka weriyaha.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu sheegay in waxa dhacay aanan la aqbali doonin balse Sucuudiga uu yahay saaxib dhaw.

Madaxwayne Trump ayaa sidoo kale ku tilmaamay tallaabo muhim ah oo loo qaaday xarigga shaqsiyaadka,wuxuu Sucuudiga ku ammaanay tallaabada degdeg ah ay qaadeen.

Wuxuu intaasi ku daray madaxwayne Trump 'inkastoo cunaqabatayn ay tahay tallaabo Mareykanka u furan balse tallaabooyiin noocaas ah ay aad u dhaawacaysaa dhaqaalaha Mareykanka'.

Mareykanka ayaa horey u sheegay in haddii la xaqiijiyo in Sacuudiga ay ku lug leeyihiin dilka saxafigan ay cawaaqib xun kala kulmi doonaan.

Waa markii ugu horreysay uu Sucuudiga ku qirto inuu ka dambeeyay dilka weriye Jamaal Kaashogji.

Waxaa lagu soo warramaya in boqor Salmaan uu amar ku bixiyay inay la sameeyo guddi wasaaradeed oo u hoggaaminayo dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan, si dib u habayn loogu sameeyo hay'adda sirddoonka qaranka.

Warkan lagu daabacay wakaalada wararka ee Sacuudiga ayaa ka dambeeyay wax yar uun ka dib markii uu boqor Salmaan uu khadka taleefonka kula hadlay madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ay arrintan ka wada hadleen.

Waxaa lagu soo warramaya in macluumaad sirddoon ah ay soo gudbiyeen Turkiga uu Sucuudiga ka caawiyay baaritaanada.Lahaanshaha sawirkaAFP

Image captionCiidammada Turkiga ee baaritannada ka waday qunsuliyadda Istanbul

Jamaal Kaashogji waxaa dad ugu war dambeysay labadii bishan xilli uu waraaqo kasoo qaadanayay qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul.

Mar sii horreysay, booliska Turkiga waxay baaritanno xooggan ka wadeen gudaha qunsuliyadda, saraakiil aanan magacooda la shaacinin ayaa sheegay in maydka weriyaha lagu tuuray kayn halkaasi ku taalla.

Maxay sheegeen saraakiisha Sucuudiga?

Bayaan kasoo baxay dacwad oogaha guud ee dowladda Sucuudiga ayaa lagu sheegay in dagaal uu qunsuyliyadda ku dhexmaray weriye Jamaal Kaashogji iyo dad halkaasi ay ku kulmeen ay dhalisay dhimashadiisa.

Baaritaano ayaa hadda socdaa, bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in 18 qof oo Sucuudiga u dhashay xabsiga la dhigay.

Ragga shaqada laga ceeyriyay

Image removed.Lahaanshaha sawirkaTWIITER/@SUADQ1978

Image captionBogga Twitter-ka ee Qaxddaani waxaa ku xiran in ka badan hal milyan oo qof

Janaraal Axmed Al Casiiri : Afhayeen sare oo boqortoyada u qaabilsanaa dagaalka Yemen.

Janaraal Casiiri wuxuu 2017-kii BBC-da siiyay wareysi ku saabsan dagaalka yemen isaga oo difaacayay tallaabooyiinka Sucuudiga ee Yemen.

Sacuud Al-Qaxddaani waa la taliyaha boqortooyada ahna la taliyaha gaarka ah ee dhaxal sugaha Maxamed bin Salmaan.

Taarikh nololeedka Jamaal Kashgooji

Image removed.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Image captionSawirka Jamaal Kaashogji oo nin ka mid ah dadkii Istanbul mudaharaadka ka dhigay sito

Sooyaalka xirfadeed ee Jamaal Kaashogji wuxu ka soo bilaabmay sannadihii ugu horeeyey xirfadiisa ee uu bilaabay weriyenimada, waayadaas oo ay saaxiibeen Usaama Bin Laadin, ilaa uu haatan noqday qof mucaarad ku ah Sucuudiga oo uu dalkana ka tagay.

Intaan la waayin raq iyo ruux ba maalintii uu galay Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul, Kaashogji oo dalkiisa iskii uga tagay wuxu u dhexeeyey oo kolba mid joogayey dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Turkiga.

Wuxu Sucuudiga ka tagay bishii Sebtember 2017 ka dib markii ay isa seegeen maamulka Boqortooyada.

Dalalakaa dibadda ee uu joogay ayuu ka soo qori jiray aragtidiisa sida adag uu ugu dhaliilo maamulka Sucuudiga, oo waxa uu ku qori jiray wargeyska Maraykanka ka soo baxa ee Washington Post iyo sidoo kale boggiisa Twitter-ka ee aadka loola socdo oo ay ku xidhanyihiin in ka badan 1.6 milyan oo qof.

Berigii uu Afghanistan tagay

Ninkan 59 jirka ahi wuxu xirfadiisa weriyenimo ka bilaabay Sucuudiga sannadkii 1985-kii markuu jaamacad Maraykanka ku taal ka qalin jabiyey.

Intii uu ka shaqaynayey wargeyska Al-Madina sanadihii sagaashameeyadii, wuxu aad waxa uga qoray mitidiintii Islaamiyiinta ahaa ee Afghanistan u tagey si ay halkaa ugula dagaalamaan Soviet-kii ku duulay.

Wuxuu dhawr waraysi la yeeshay Usaama Bin Laadin oo uu sheegay in uu dhalinyaranimadiisii ku yaqaanay Sucuudiga.

Berigaa Bin Laadin aad uma soo shaac bixin oo Galbeedka lagama aqoon inuu yahay hogaamiyaha Al-Qaacida.

Image removed.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Image captionJamaal Khaashoqji aad buu u dhex qaaday Afghanistan, Usaama Bin Laadin na wuu waraystay.

Kaashogji wuxu ugu tagay godadka buuraha Tora Bora, waxa kale oo uu ku waraystay Sudan sanadkii 1995-kii.

Sannadkii 2011-kii oo muddo ka soo wareegtay markii uu Usaama waraystay, ayaa Khaashoqji laftiisa uu wargeyska Jarmalka ka soo baxa ee Der Spiegel ka waraystay xidhiidhkii isaga iyo Usaama Bin Laadin la haayeen.

Kaashogji waxa uu waagaa qirtay in uu markii hore Bin Laadin la qabay in sifo aan dimuqraadi ahayn lagu dhex galo hannaanka siyaasadeed ama xeelado colaadeed la adeegsado si dunida Carbeed looga xoreeyo xukuumadaha musuqa ah.

Difaaca isbedellada

Laakiin wixii intaa ka dambeeyey weriyahaasi waxa uu noqday mid ka mid ah mufakiriinta ugu codka dheer dalka, had iyo goorna waxa soo xigan jirtay warbaahinta Galbeedka oo u arkaysay inuu khabiir ku yahay ururada xag jirka ah ee Muslimiinta ah.

Sidoo kale waxa loo arki jiray in uu ahaa nin aad ugu xidhan oo ku dhaw dawladda Sucuudiga, isla markaana xidhiidh fiican la leh qoyska Boqortooyada.

Wuxu ka shaqeeyey dhawr wargeys oo Carbeed iyo TV-yo, waxaanu ka bilaabay shaqada weriye arimaha dibada ka soo warama markii dambena waxa uu u dallacay tifaftire guud.

Image removed.Lahaanshaha sawirkaEPA

Image captionHatice Cengiz, waa gabadha Turkiga ah ee u doonanayd Jaamal Khaashoqji, ayaa booliska ku wargelisay in la waayey

Laba jeer ayuu iska casilay shaqadii uu ka hayey wargeyska Al-Wadan oo mar waxay ahayd 2003-dii iyo mar dambe oo ahayd 2010-kii sababtuna waxay ahayd [in wargeysku diiday baahinta] maqalladdiisii aadka u dhaliilayey dariiqada Islaamka ee Sucuudiga lagaga dhaqmo ee Salafi-ga oo ah dariiqo fahamkeeda diineed yahay mid qallafsan.

Sannadahaa uu ka maqnaa shaqada weriyenimo ee u dhaxaysay labadaa goor Kaashogji dalka wuu ka baxay oo wuxu la taliye dhanka warbaahinta ah u ahaa Amiir Turki Al-Faysal, taliyihii hore ee sirdoonka, oo markaa laga dhigay danjiraha Sucuudiga u fadhiya Ingiriiska markii dambena Maraykanka.

Sannadkii 2010-ii ayaa ninka maalqabeenka ah ee Al-Waliid Bin Dalaal waxa uu Jamaal Khaashoqji u magacaabay in uu madax ka noqdo TV cusub oo uu ka furay Baxrayn.

Bilowgii Kacdoonka Carabta

Telefishanka Al-Carab waxa u meel maray in uu ahaa mid la tartamaya Al-Jazeera oo Qatar ay maal geliso.

laakiin isla markii uu hawada galayba, telefishankii cusbaa ee uu Kaashogji hogaanka u hayey waa la xidhay oo waxa lagu qoonsaday waraysi uu la yeeshay shakhsi mucaarad ku ah Baxrayn.

Intii uu xitaa madaxa ka ahaa Telefshinkaa, Khaashoqji waxa u waraysiyo siin jiray warbaahinta shisheeye waxaanu ku dhaliili jiray Boqortooyada talada dalka Sucuudiga keligeed gacanta ku haysa oo waxa uu odhan jiray waxa lama huraan u ah xasiloonida mustaqbalka ee dalkiisa hannaan dimuqraadiyadeed.

Image removed.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Image captionNin sii gelaya Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul

Markii uu bilaabmay kacdoonkii Carabtu, Kaashogji wuxu la saftay mucaaradkii doonayey in dalalka Masar iyo Tunisia isbedel ka hirgalo.

Go'aankiisaasi waxa uu toos uga hor yimid siyaasadda Boqortooyada Sucuudiga oo kacdoonkii Carabta u arkaysay inuu khatar ku yahay jiritaankeeda.

Trump baa la isku seegay

Bishii Diisember 2016-kii markii dhaxal sugaha taajka boqortooyadu doonayey inuu xidhiidh fiican la yeesho madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo markaas uun la doortay, ayaa la sheegaa in Kaashogji aad u dhaliilay xidhiidhkaa.

Warbaahinta Carabtuna waxay sheegtay in qoraalladii uu arintaa ka qoray in la mamnuucay baahintooda sababtuna ay taas ahayd.

Image removed.Lahaanshaha sawirkaEPA

Image captionKaashogji boggiiska Twitter-ka waxa ku taxan 1.6 milyan oo qof

Kaashogji waxa kale oo uu aad ugu dhaliilay xukuumadda Sucuudiga go'aankii ay xidhiidhka ugu jartay Qatar, waxaanu ku tirtirsiyay Boqoortooyada in ay la safato Turkiga oo ay xulufo yihiin Qatar marka ay timaad siyaasadaha gobolka.

Suxufigan ruug caddaaga ahi waxa uu Maraykanka u dhoofay bishii Sembtember 2017-kii isagoo markaa ku eedeeyey hogaamiyaha aan xilka ku magacownayn ee taladu gacanta ugu jirto ee Sucuudiga, waa dhaxal sugaha taajka boqortooyada e Maxamed Bin Salmaan in uu ugaadhsanayo ciddii mucaaradda.

'Putin buu iska dhigayaa'

[Kaashogji oo ka hadlaya hab dhaqanka Maxamed Bin Salmaan ayaa wuxu qoray] "Waxaan gurigaygii, qoyskaygii iyo shaqadaydiiba uga firxaday waa in aan aragtidayda cabiray" waxaanu intaa ku daray "in aan waxa jira ka aamusaana waxay ila noqontay in aan khiyaamaynayo dadka jeelka ugu jira xorriyadda hadalka. Haatan waan hadli karaa oo waxaan haystaa fursad aanay dad badani haysan".

" Waxaan leeyahay Maxamed Bin Salmaan sida Putin buu u dhaqmayaa oo caddaaladiisu waa la jiifiyaana bannaan" ayuu ku yidhi maqaal uu ku qoray Washington Post.

Ilaa maalintii uu tagayey Qunsuliyadda Istanbul wuxu waday dhaliishii uu ku hayey hogaamiyaha Sucuudiga.

Waana markii ugu dambaysay ee muuqiisa la arko maalintaasi.

source.BBC

Category