Taliyihii booliiska Gobalka banaadir oo shaqdii laga eryay kadib kolii uu joojiyey shir baarlamaanku yeelan lahaa

 Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa goor dhow xilka qaadis ku sameeyey taliyaha qeybta guud ee gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John) oo saacado, kahor shaaciyey inuu joojiyey kulankii maanta ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Wareegto kasoo baxday xafiiska taliye Xijaar ayaa lagu sheegay in xilka taliyaha ciidamada Booliiska gobolka Banaadir loo magacaabay Farxaan Maxamed Aadan (Qaroole), kaas oo loo dalac-siiyey Gaanshaanle Sare.

Farxaan ayaa horey u ahaa taliyaha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ee ka tirsan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Xilka qaadista Saadaq John ayaa timid, kadib saacado uun markii shaaciyey in Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan kan gobolka Banaadir uu joojiyey kulankii baarlamaanka oo qorshuhu ahaa in looga doodo mooshin ku aadan muranka hareeyey doorashooyinka.

Arrintan ayaa uga sii dareyso xaaladda cakiran ee uu haatan ku jiro dalka, gaar ahaan dhaq-dhaqaaqa xoogan ee ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Category