Taliyihii Xabsiga Gar-Adag iyo Taliye Ku-Xigeenkii Saldhiga Booliska Degmada Gar-Adag Oo la Diley

Hargeysa(RH)Wararka Naga soo gaadhaya Gobolka Sanaag ayaa xaqiijinaya in goordhaweyd la dilay taliyihii Xabsiga Gar-Adag Gashaanle Cabdilaahi Axmed Tallan iyo Taliye ku xigeenkii Saldhiga Booliska degmada Gar-Adag Laba Xidigle Nuur Aw Cali Nuux

 

Labadan Taliye ee la dilay ayaa  la sheegay in magaalada Gar Adag kaga soo baxeen qaab dhuumasho ah kadib markii magaladaasi ay ka bilaabmatay mudaharaadyo lagaga soo horjeedo muwaadin Deegaankaasi Gar-Adag u Dhashay oo lagu Magacaabi jirey Ganacsade Cali Ciid Nuur Oo shalay ku dhex dhintey xabsiga magaalada Ceerigaabo ka dib markii ay isku dhaceen horaantii bishan Taliyihii Xabsiga Gar-Adag Ee Ciidanka Asluubta iyo Taliye ku xigeenkii Saldhiga Booliska Degmada Gar-Adag sidaasina uu mudadaasi ugu xidhnaa xabsiga magaalada Ceerigaabo.

Wararka ayaa sheegaya in labadan taliye ay dileen meelishiyaad beeleed ka soo jeeda reerka uu ka soo jeedo marxuumka shalay ku Geeriyooday xabsiga magaalada Ceerigaabo kuwaas oo  weerar jidgooyo ah U Galey Degaanka Gobabka Maxan ee Degmada Yogoori.

 

Category