Tallaalka Coronavirus oo la geeya dalka Jabuuti

Djibouti (RH)- Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Jabuuti ayaa sheegtay in tallaalkii ugu horreeyey oo looga hortagayo faayraska Korona uu shalay gaaray Jamhuuriyadda Jabuuti.

Tallaalkan oo uu qofka laba mar qaadan doono ayay wasaaraddu sheegtay in lagu billaabayo shaqaalaha caafimaadka ee halista ugu jira qaaditaanka cudurkaasi iyo bukaannada kale ee u nugul iney cudurka qaadaan oo ah dadka la nool cudurrada kale isla markaana da'doodu ay ka weyntahay 50 jir .

Talllaalkan ayay dowladda Jabuuti ka soo iibsatay dalka Shiinaha .

Wasiirka caafimaadka Jabuuti Maxamed Warsame Diiriye, ayaa BBC-da u sheegay in Jabuuti ay aad u sugeysay tallaalka.

"Tallaalkan waan sugeynay, intan waa intii ugu horreysay oo lagu howlgeli doono oo lagu bilaabi doono dadka aad ugu sii baahan oo ah dadka ka shaqeeya wasaaradda caafimaadka, iyo dadka da'da ah," ayuu yiri.

Wasiirka ayaa sheegay in xirmooyinka haatan soo gaaray ay yihiin kuwo lagu sii bilaabayo dadka aadka ugu baahan, isla markaan bishan dhexdeeda ay sugayaan ilaa 300,000 oo xirmo ah oo ay dowladda Jabuuti ka soo iibsatay Shiinaha.

Jabuuti ayaa qorsheyneysa in la tallaalo 715,000 oo qof.

Wuxuu wasiirku intaas ku daray in sidoo kale dalkaas uu soo gaaray tallaalka bilaashka ah ee ay heleen qara ka mid ah dalalka Afrika.

Jabuuti ayaa sheegtay in xilligan aysan dalkaas ka jirin khatar sare oo xanuunka ah, isla markaana la xakameynayo.

Waxay ka mid noqoneysaa dalalka ku yaalla Afrika ee helay tallaalka coronavirus. Dalalka Kenya iyo Rwanda ayaa iyaguna ay soo gaartay xirmooyinkii ugu horreeyay ee tallaalka xanuunka.

Xiggasho: BBC

Category