Tariibe keligii badbaaday: "65 qof oo aan wada tahriibeynay keligey ayaa ka nool"

Dejene Degefa oo 18 jir ah wuxuu ka soo gudbay xadka Itoobiya iyo Kenya ay wadagaan ee Mooyaale.

Ujeedkiisana wuxuu ahaa inuu tahriib ku tago dalka Koonfur Afrika, wuxuuna watay lacag dhan 3,000 oo birr oo u dhiganta ku dhawaad $90 doolar.

Muddo toddoba bilood ah wuxuu tahriib dhinaca dhulka ah uu ku maray dhowr waddan oo qaaradda Afrika ku yaalla, hase yeeshee riyadiisi ahayd inuu Koonfur Afrika gaaro halkaasina uu ka soo shaqeysto uma suuragelin.

65 qof oo ay dalka Itoobiya ka soo wada jeedaan oo tahriibka Koonfur Afrika ku wehliyey midna kuma soo noqon nolol marka laga reebo Dejene oo keli ah, inti kale waa ay geeriyoodeen.

Dejene Degefa wuxuu ku dhashay tuula yar oo ku dhaw magaalada Hosaana oo ka tirsan ismaamulka shucuubta Koonfureed ee Itoobiya.

Hooyadii marki ay dhimatay isaga iyo shan carruur ah oo ay walaala yihiin waxaa koriyay aabahood, waxayna ku tiirsanaayeen wax soo saarka beeraha, balse dalaggii ayaa kaafin waayay noloshooda.

Dejene oo waxbarashada ka gaaray illaa iyo fasalka shanaad ayaa u adkeysan waayey dhibaatada qoyska haysta wuxuuna go'aansaday inuu raadsado shaqo dhaanta falashada beerta.

'Wicitaankii Johanesburg'

Dejene Degefa intuusan tahriibka billaabin wuxuu shaqooyin maalinla ah uu ka soo qabtay magaalada Bishooftuu ee ku taalla ismaamulka deegaanka Oromada. balse, niyaddiisa marweliba waxay ku xirneyd magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Nin ay qaraabo yihiin Dejene oo dalka Koonfur Afrika ku nool oo noolal fiican dalkaasi ku haysta oo la soo xiriira marweliba ayaa ku dhiirragelin jiray inuu soo tahriibo oo uu Koonfur Afrika yimaaddo.

addaba, Dejene Degefa oo tahriibki ka soo laabtay oo naftiisa keli kula soo noqday dalkiisa hooyo oo dhammeystay 14 maalmood oo karantiil ah ayaa u warramay BBC Amharic.

Ninka ay qaraabada yihiin dhiirragelintiisu kuma ekeyn oo keli ah u yeerid iyo inuu Koonfur Afrika uga shekeeyo balse wuxuu ka caawiyey waddadi uu ku soo tahriibi lahaa.

Safarkii illaa Koonfur Afrika

Safarka Tahriibka wuxuu ka soo billawday magaalada Bishooftuu illaa iyo magaalada Mooyaale oo xadka Itobiya iyo Kenya ku taallo si uu ugu sii gudbo caasimadda Nairobi.

Dadka tahriibaya ee xadka labada dal ka soo tallaaba si aysan ciidamada ilaalada xadka u arag, safarkooda wuxuu ahaa mid habeenkii ah iyaga oo gaadiid kala duwan adeegsanaya sida baabuur, mooto, baaskiil iyo mar la lugeeya intaba.

Waxaa mararka qaar dadka tahriibaya uu Dejene ka midka ahaa ay ku qasabanayeen iney maalmo duurka ku dhuumaaleystaan, ragga wax tahriibiyana waxay cunno ahaan ugu keeni jireen bariis iyo ugaali (soor).

Balse, dadaal dheer kaddib waxay ka gudbeen dalka Kenya waxayna gaareen dalka Taanzaaniya, balse nasiibdarro ciidamada ammaanka dalka Taanzaaniya ayaa Dejene iyo 20 qof oo kale gacanta ku dhigay.

Xabsigana waxay ku jireen laba maalmood. "Sida naloo soo daayey iyo cidda na soo deysay ma garanayo, balse waxaan u maleeynayaa raggi na tahriibinayey iney askarta lacag siiyeen sidaana ay nagu sii daayeen".

"Dadka safarka igu wehlinayay tiradooda wey isbedbeddeshaa Shan, Toban, Labaatan ilaa iyo Soddon ayey mararka qaar gaaraan," ayuu yiri.

"Dadka na tahriibinayana wey isbedbedelayeen iyaguna, mid marka uu meel na gaarsiiyo mid kale ayuu nagu wareejiyaa," ayuu yiri Dejene oo hadalka sii wata.

Ragga tahriibaya oo ay Itoobiya ka wada socdeen oo ay qaarkood isku dayayeen iney af-Ingiriisiga ay jajabsadaan mararka qaar waxay naga caawineysay inaan ciidamada xuduudaha ku sii marno aan si fudud iisu fahanno.

Safarkooda wuxuu sii socdaba, markii uu ka gudbay oo uu gaaray dalka Zambiya ayey dhibaato hor leh u billaabatay.

 

'Silici Koonteenarka'

Qayaastii waxaa la joogay 9-10-ka fiidnimo, maadaama aan garaneyn saacadda la joogay," ayuu yri Dejene oo xusuusanayo silici ku qabsaday deegaanka Teete oo ku yaalla waqooyiga-galbeed ee dalka Mozaambiik.

"57 qof ayaa ahayn", ayuu yiri. "Dadka tahriiba ka shaqeysta ayaa na kaxeeyey waxayna na geeyeen waddo jaay ah oo aysan gawaaridu ku badneen, cabbaar markaan halkaas joognay waxaa nalagu soo biiriyey 21 qof oo kale, markaasay tirada noqotay 78 qof. Kaddibna raggi wax tahriibinayey waxay keeneen Koonteynar ay isyiraahdeen 78 qof ayuu qaadi karaa, Koonteynarka ayey rabeen in dalka Koonfur Afrika nagu geeyaan.

"Koonteynarka marka la keenay waan diidnay oo waxaan dhahnay geli meyno, qaar cagaha wax ka dayay xataa wya jireen, hase yeeshee, tahriibiyeyaashu waxay billaabeen iney ulo, bud iyo faasba nala dhacaan sidi ay noo garaacayeen ayey dhammaanteen na geliyeen Koonteynarkii ay soo diyaarsadeen.

 

"Dhalinyaradi tahriibka igu wehlisay ee Konteenarka lagu guray iyaga oo og khatarta ka dhalan karta haddii lagu soo xiro wey baryootameen si looga soo saaro balse tahriibayeyaashi dhagaha ayey ka fureysteen albaabka ayeyna korka nooga xireen."

"Marka uu dhaqaaqay gaarigi aan saarneyn qeylo ayaan bilaawnay.

"Hal gabar ayaa nala socotay, waxay ku qeylineysay 'rag baad tihiine Koonteenarka maad jebisaan aaway xooggiini?', waxayna nagu dhiirrineysay inaan Koonteenarka lug iyo gacanba aan la dhacno balse ma jirin cid na maqasha ama noo jawaabta.

Wuxuu sheegay: "Gabadhi nagula jirtay Konteenarka markiba wey dhimatay, iyada oo weliba baryootameysa oo leh halkan iga saara. Aniguna waan daalay oo tabarti ayaa iga dhammaatay marki dambana waan miir daboolmay, hase yeeshee, gaarigi aan saarneyn socodkiisa ayuu iska sii watay."

"Qayaasti 5-ti subaxnimo markaan soo miiraabay waxaa arkay albaabki oo furan, markaan hareeraheyga fiiriyey waxaan arkay raggi aan wada soconnay oo wada meyd ah oo lugaheyga hoos jiifa. Waxaanna maqlayey oo aan xusuustaa askar leh 'ma Itoobiiyaan baad tihiin?'"

"Dadki aan wada tahriibeynay oo 65 ay Itoobiyaan ahaayeen keligeey ayaa ka badbaaday, 64 ta kale way dhinteen", ayuu yiri wiilkan dhallinyarada ah ee ka sheekeeyay xaaladdii uu tahriibka kala kulmay.

Ku soo laabashada Itoobiya

Dejene Degefa, ka dib markii uu dhacdadaas ka badbaaday keligii waxaa dalkiisa inuu dib ugu laabto ka caawiyey hay'adda IOM.

Marki ugu horreysay oo aan shilka kaddib qoyskeyga taleefan kula xiriiray oo aan u sheegay inaa Dejene ahay wey rumeysan waayeen oo waxay u haysteen inaan dhintay.

"Walaashey ka weyn ayaa marka hore taleefanka iga qabatay wey naxday taleefankana wey xirta, waxyar kaddib ayaan ku celiyey markaas ayey sii fiican iila hadashay reerka intiisa kalan iigu dhiibtay," ayuu yiri Dejene.

Wixi hadda ka dambeeya haddii aan xataa shaqa waayo oo ay gaajo kasta i qabato lagama yaabo inaan ku fikiro tahriib iyo Koonfur Afrika dambe, tahriib waxaa dhaama adiga oo dalkaada hooyo ka dawarsado", ayuu yiri Dejene degefa oo tahriibka ka soo badbaaday oo u warramay BBC Amharic.

Dejene iyo rag kale oo ay hay'adda IOM ka caawisay iney dalkooda ku laabtaan waxaa la geliyey karantiil 14 maalmood ah.

Marka uu karantiilka u dhammaaday kaddib ayey la kulmeen reerahooda xiisaha u qabay aragtidooda oo u haystay inuu geeriyooday.

 

isha warka .BBC

Category