Telefoonkan waa la xaday

RH: Isniintii saacadu markii ay aheyd 14:13 ayaa haweeney iyo laba carruur ah oo ay dhashey  galeen dukaan kuyaal wadada Toldboldgade  ee bartamaha magaalada Aarhus si telefoon ay siteen loogu dayactiro.

Markii ay telefoonka u dhiibeen qoladii dukaanka , ayaa ninkii dayactirilahaa u sheegey in Telefoonka loo  diwaangaliyey in la xaday sidaas awgeed uu boliiska wacayo si ay uyimaadaan oo ay uqaadaan.

Waxaa soo baxday in haweenayda gabadheeda oo 18 jir ah ay iibsatay taleefanka ku dhowaad sanad ka hor iyada oo umartey bogga internetka  Den Blå Avis.

Gabadhu waxay ogolaatay inay kula kulanto iibiyaha wadada Busgaden, halkaas oo ay ku iibsatay telefoonka 6000 karoon, oo ay ku bixisay lacag kaash ama caddaan ah iyada oo aan la siinin rasiid ama dukumenti la mid ah.

Telefoonku sifiican buu u shaqeynayey illaa iyo hadda, oo ay telefoonka la soo daristey cilad dhanka soo dhicida ah.

Gabadhan oo 18 jir ah ayaa sidaas darteed go'aansatay inay soo celiso taleefanka si loo dayactiro, waxaynay booliska usharaxday inay ku soo baraarugtay kaliya inuu yahay taleefan la xaday.

Gabadhan dhallinyarta ah  ayaa lagu soo oogay dacwad ah inay iibsatay taleefan la xaday.

Bilayska bariga Yuulland waxa ay dadweynaha kula talinayaan  in markay ganacsi dhex marayo shakhsiyaad gaar ah ay  had iyo jeer hubiyaan, inay helaan rasiidh ama dukumiintiyo kale oo wata meel loo raaco iibiyaha.

Mida kale haddii shaki kugu  jiro, ha gelin ganacsi, maxaa yeelay waxay ugu dambeyntii macnaheedu noqon karaa in lagugu soo oogi karo dambiga ah  Tuug kalkaal.

 

Xogta warkan:  Diiwaanka Booliiska  Denmark

Tarjumaada . Mohamed-amin

Category