Tirinta codadka iyo natiijada doorashada oo ka socota Puntland

Qardho (RH)-Sida uu kusoo waramayo weriyaha BBC-da ee Puntland Axmed Cawil, tirinta codadka ayaa si habsami leh halkaasi ugga socota, iyadoo weli guddiga doorashada aysan soo saarin wax natiijo ah.

Guddiga ayaa weli sugaya qaar ka mid ah sanaatiiqda doorashada, hase yeeshee guddoomiyaha degmada Ufeyn, ayaa ku dhawaaqay natiijo horudhaca ah, oo kasoo baxday 11 goobood oo codadkooda la tiriyay, iyo sida ay ururada siyaasadda u kala heleen.

Ururka Run iyo Caddaalad: 47 cod

Ururka Shaqaalaha xoogsatada ah : 13 cod

Ururka Dhallinyarada: 11 cod

Ururka Caddaalad iyo Sinnaan: 1248 cod

Ururka Kaah: 1687

Ururka Mideeye: 1300 cod

Ururka Mustaqbal: 192 cod

Horseed: 180 cod

Ururka Ifiye: 8 cod

Tirinta Cododka Doorashada Puntland oo bilaabatay

Xiggasho: BBC

Category