Trump oo baajiyey kulan uu la yeelan lahaa Kim Jong Un

Madaxweyne Donald Trump ayaa goordhow sheegay in uu baajiyey kulankii 12-ka June uu la yeelan lahaa hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un.

Warqad uu qoray Trump ayaa ka baxday aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka, waxaana qoray madaxweynahaha Mareykanka taasoo si toos ah ugu socotay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Kulanka labada nin oo aad loo sugayey ayaa waxa uu ka dhaci lahaa Singapore.

Trump waxa uu sheegay in kulanka loo baajiyey markii hadallo ay ka caroodeen ay sheegeen madaxweyne ku xigeenka Mareykanka iyo sarkaal la taliye u ah Trump.

Madaxda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay dhawaan in ay baabi’in doonaan xarruntooda Keydka hubka Nukleerka haddii cunaqabateenta mudadda dheer saarneed laga qaadayo.

Kuuriyada Waqooyi ayaa tan iyo 1952-dii go’doon ku jirtay waxaana loo heystay hubka nukleerka.

Dad badan ayaa la yaaban hannaanka cusub ee Kuuriyada Waqooyi la soo baxday iyadoo dhawaan labada hoggaamiye ee Kuuriyada Waqooyi iyo kan Koonfureed ay kulmeen.

Category