Trump oo dib ugu laabtay Mareykanka

WASHINGTON (RH)- Madaxweyne Donald Trump ayaa Arbacada maanta ah dib ugu laabtay dalka Mareykanka kaddib markii uu ka soo laabtay dalka Singapore, halkaasoo kulan taarikhi ah uu kula yeeshay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

Markii uu ka soo dagay diyaaraddii uu la socday oo ahay nooca ciidamada ayaa la weydiiyey sida uu arkay kulankii uu la yeeshay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Madaxweyne Trump uga jawaabay oo kaliya “Saddex maalin oo wanaagsan ayey ahaayeen kadibna baabuurkiisa ayuu raacay.

Madaxweyne Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku sheegay safar dheer kaddib in uu dib ugu laabtay Mareykanka.

“Qof walba tan iyo sidii la ii doortay waxa uu dareemayaa ammaan ka badan intii horre isagoo intaas raaciyey in kulankii uu la yeeshay uu ahaa mid xiisa leh oo natiijo wanaagsan watay”

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa aqbalay Talaadadii in la dhameystiro in hubka nukleerka laga baabiyo gacanka Kuuriya.

Isagoo Trump uu sheegay in Mareykanka uu joojin doono dhoolatuskii uu la sameyn jiray Kuuriyada Koonfureed.

Si kastaba, dukumintiyada ay kala saxiixdeyn Trump iyo Un ayeysan ku jirin goorta iyo sida Kuuriyada Waqooyi ay ku baabi’ineyso hubkeeda Nukleerka, sidoo kalena kuma qorna waxa Mareykanka ay u ballan qaadayaan oo taas baddelkeeda u xaqiinayaan Kuuriyada Waqooyi.

Category