Ururka Solja Oo Dhaliilay Guddiga Covid-19 Ee Somaliland

Hargeysa(RH)Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA), isagoo ka duulaya wax ka qabashada kaalinta kaga beegan masiibadda xanuunka COVID-19 ee dunida ku habsaday, gaar ahaan dhibaatadda uu ku keenay Ummadda Somaliland, waxaannu wax ka qabanay Wacyigalinta iyo Jihaynta Suxufiyiinta Somaliland Bad-qabkooda iyo Bad-qabka bulshada reer Somaliland.

Ururka SOLJA, waxa uu dhamaan Wariyayaasha Somaliland illaa heer Gobol/degmo u qaybiyey qalabka lagaga gaashaanto Xanuunka, isagoo taageero ka helaya hay’addaha sida tooska ah ula shaqeeya ee u igman Bad-qabka Suxufiyiinta.

Sidoo kale, Ururka waxa uu Wacyigalin iyo Tababaro ka siiyey Suxufiyiinta sidii ay uga soo warami lahaayeen goobaha hawlaha xanuunka lagu hayo, iyadoo lagu tababaray inay sida ugu Togan uga soo waramaan Xanuunka, iyagoo nafahooda iyo nafaha kale-ba Caafimaad qabkooga ilaalinaya, haddii ay tahay qalab iyo haddii ay tahay tilmaamaha la raacayaba.

Ururka SOLJA, waxa uu bar bar waday Xog ururin (Research/monitoring) la xidhiidha qaabka loo baahiyey wararka iyo Wacyigalinta la xidhiidha xanuunkaasi isagoo hawl-galiyey Aqoonyahanno xirfad dheeraad ah u leh ururinta, Kaydinta iyo Shiilidda xogta ay ururinayaan sidii qaranka loogu soo bandhigo waxa la qabtay iyo waxa u baahan in wax laga qabto.

Sidaas daraadeed, Mudane Madaxweyne Ururka SOLJA si uu macluumaad dheeraad ah uga helo guddida iyo waxyaabaha ay ka qabatay Wacyigalinta xanuunka COVID-19 waxa lagama maarmaan noqotay inaanu helno macluumaadka nagaga xidhan xafiiska guddida u qaabilsan maamulka hawlaha la dagaalanka iyo ka hortaga Xanuunka.

Xogaha aannu u baahanahay:-

1. Dhaqaalaha iyo Agabka Wacyigalineed ee guddida Heer qaran u qoondaysay ololaha Wacyigalineed ee xanuunka COVID-19 iyo siday u baxday

A) Qoondada Warbaahinta Dawladda ee dhaqaalaha Wacyigalinta

B) Qoondada Warbaahinta gaarka loo leeyahay

2. Liisaska magacyadda Shaqaalihii Caafimaad iyo Wariyayaashii loo kala diran goboladda Dalka bilowgii xanuunka ee ka qayb qaatay Wacyigalinta

3. Wacyigalinta iyo dhaqaalaha ay hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxalliga ahi ku bixiyeen ololaha Wacyigalinta ma laga qayb galiyey

A) Warabaahinta Dawladda

B) Warbaahinta gaarka loo leeyahay

C) Bahda Qoraaladda iyo Fanaaniinta

4. Farriimaha ay guddidu u qaybisay ama Wasaaraddaha Caafimaadka iyo warfaafintu Warbaahinta sida:

A) Telefishanada

B) B) Wargeysyadda

C) Mareegaha bulshada

D) Baabuurta Mikirifoonadda la wareega

5. Ma jirtaa Farriimo midayasan ama xog si wadajir ah ay u diyaariyeen

A) guddidda Heer Qaran/Secratariat-ka

B) Wasaaradda Caafimaadka

C) Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Wacyigalinta

6. Ma jirtaa ama Door noocee ah ayey ka gaysteen Wacyigalinta Xanuunka dhaqaale ahaan iyo agab ahaanba

A) Ururadda bulshada Rayidka ah

B) Shirkaddaha Daabacaadda

C) Warbaahinta kala duwan

7. Ma jirtaa Dabagal(monitoring) iyo Qiimayn(Evaluation) guddidda Heer qaran/Secratariat-ku ku sameeyeen Wacyigalinta maxaa ka soo baxay

A) Ma si fiican bay u socotaa

B) Mise dibu-dhac baa ka jira

C) Ma gaadhay dadweynaha oo dhan

D) Ma jiraan meelo aanay gaadhin Farriimuhu

8. Farriimaha Wacyigalinta lagu sameeyay cidii doontaa ha samaysee ma ahaayeen

A) Kuwo wax ka bedelay Fahamka bulshada ee xanuunka

B) Ma ahaayeen kuwo abuuray jahawareer

C) Goobaha iyo noocyadda dadka Farriimuhu ma ahaayeen kuwo ku jihaysan

D) Fariimuhu ma waxay ahaayeen kuwo guud

E) Farriimaha mar na wax ka bedel horumar iyo wax ka saarid ma lagu sameeyay

9. Doorkee ayey Dhakhaatiirtu ka qaadatay Wacyigalinta caafimaad ee bulshada

A) Ma faa’iiddo ayey lahayd

B) Ma dhibaato ayey ku keentay

C) Ma jahawareer ay kordhisay

D) Ma la middeeyey

10. Abwaanaddu doorkee bay ka qaateen wacyigalinta

A) Heeso

B) Masraxiyad

C) Geeraaro

D) Gabayo

11. Waa sidee fahamka bulsho ee xanuunkani Wacyigalinta kadib

A) Wax ma iska bedeleen

B) May diidan yihiin

C) Intee wax iska bedeleen

12. Wacyigalin ma loo sameeyay dadka Karantiinka la galiyey

A) Markay soo galayeen Dalka

B) Goobaha lagu karantiimeeyey

C) Markay ka baxeen Karantiinka

13. Warbixinaha Warbaahinta laga sii daayey

A) Ma ahaayeen kuwo dadweynuhu ku laab qabawsanayeen

B) Ma ahaayeen kuwo cadho ku abuurayey

C) Ma ahaayeen kuwo wixii lagu sheegay laga dhabeeyey oo la suurtogaliyey si ay dadweynuhu ugu niyad samaadaan balanqaadyaday xambaarsanaayeen.

Sidaas daraadeed, Mudane Madaxweyne si aan Xogtan ugu soo dirno kooxda ka shaqaynaysa ee ku hawlan daraasadan waxaan kaa codsanaynaa inaad wakhti ku haboon fursad noogu siiso isla markaanna noo amarto in xogtaas oo dhamaystiran nala wadaagtaan.

Maxamuud Cabdi Jaamac

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA)

 

Category