Waa kee waddanka heysta keydka ugu badan ee dahabka adduunka?

Dahabka oo ah hanti ma guurto ah oo aad looga qiimeeyo caalamka ayaa loo aqoonyahan yahay inuu wax badan taro xilliyada ay jiraan xasaradaha dhaqaale.

Bangiyada caalamka ayaa sanadkii lasoo dhaafay keydkooda dahabka ku kordhiyay 650 tan oo kale, sida uu shaaciyay wargeyska arrimaha dahabka ka faallooda ee lagu magacaabo Schiffgold.

In kastoo dahabka qiimihiisa uu hoos u dhacay sannadihii 1970-meeyadii, haddana wali wuxuu ka mid yahay kheyraadka dabiiciga ah ee sida weyn loogu xisaabtamo.

Hadda oo cudurka safmarka ah ee Covid-19 uu saameyn ba'an ku yeeshay dhaqaalaha adduunka, waddan kasta wuxuu milicsanayaa keydka dahabka ee uu heysto.

Xitaa ka hor inta uusan fayraska dillaacin, waxaa hoos u dhac wajahayay dhaqaalaha dunida, dalal badanna waxay diiradda saarayeen inay dahabkooda sii badiyaan.

Kalabarkii ugu horreeyay ee sanadkan 2020-ka, waxaa 16% doolar sare u kacay iimaha dahabka, heerkaasoo ah mid aan la arkin tan iyo sanadkii 2012-kii, sida aan kasoo xigannay bogga lagu keydiyo xogta dahabka ee GoldHub.

Ilaa billowgii sanadkan, Bangiga Dhexe ee Turkiga ayaa iibsaday 148 tan oo dahab ah, wuxuuna noqday waddanka rasmiga ah ee dahabka ugu badan iibsaday sanadkan, marka loo eego guud ahaan caalamka, sida uu sheegay wargeyska KITCO.

Haddaba waa kuwee dalalka heysta keydadka ugu ballaadhan ee dahabka?

1. Mareykanka

Waddanka Mareykanka wuxuu keystaa keyd dahab oo dhan 8,133.5 tan.

Keydkiisa waa 78.9%, marka loo eego dalalka caalamka.

Mareykanka keydkiisa wuxuu ku dhow yahay marka la isku daro dahabka ay heystaan saddexda waddan ee ku xiga dhammaantood.

In ka badan kalabar ka mid ah dahabka Mareykanka, oo qiimo ahaan ku fadhiya $236.4 bilyan oo doolar, wuxuu yaallaa xarunta keydka ee Fort Knox.

2. Jarmalka

Waddanka Jarmalka wuxuu keystaa keyd dahab oo dhan 3,363.6 tan.

Intii u dhaxeysay sannadihii 2012 ilaa 2017, Jarmalka wuxuu inta badan keydkiisa dahabka - oo dhan isku darka 674 tan - kasoo rartay magaalooyinka Paris iyo New York, wuxuuna geystay magaalada Frankfurt, sida uu qoray wargeyska Finacial Times.

3. Talyaaniga

Waddanka Talyaaniga wuxuu keystaa keyd dahab oo dhan 2,451.8 tan.

Si ka duwan dhammaan dalalka kale, dahabka Talyaaniga ma aha mid ay dowladdu leedahay.

Waxaa leh Banca d'Italia (Bangiga Talyaaniga). Keydkan dahabka ah wuxuu kala yaallaa meelo kala duwan oo kala ah Rome, Bangiga Qaranka ee Swiss, Keydka federaalka ee New York iyo Bangiga England.

Maadaama uu waddanka Talyaaniga kasoo kabsanayo dhaqaale xumo, dowladdu waxay caddeysay inaysan iibin doonin dahabka keydka ah.

4. Faransiiska

Waddanka Faransiiska wuxuu keystaa keyd dahab oo dhan 2,436 tan.

Inta badan dahabka Faransiiska waxaa la aruuriyay sannadihii 1950-meeyadii iyo 1960-meeyadii, waxaana lagu hayaa Banque de France (Bangiga Faransiiska) ee ku yaalla magaalada Paris.

Bangiga Dhexe ee Faransiiska wax yar ayuu dahabkiisa ka iibiyay sannadihii lasoo dhaafay, waxaana lagu baaqayay inuusan iibinin oo dhammaan keydka la hayo.

5. Ruushka

Waddanka Ruushka wuxuu keystaa keyd dahab oo dhan 2,299.2 tan.

Bangiga Dhexe ee Ruushka wuxuu toddobadii sano ee lasoo dhaafay ahaa ganacsadaha ugu weyn ee soo iibsada dahabka ugu badan ee caalamka. Labadii sano ee lasoo dhaafay kaliya wuxuu soo xareystay 400 oo tan.

Sanadkii 2017-kii, wuxuu soo iibsadat 224 tan. Ujeeddada uu Ruushka dahabka badan u keydsanayay ayaa lagu sheegay in uu damacsan yahay sidii uu uga maarmi lahaa doolarka, maadaama uu xumaaday xiriirka uu la leeyahay dalalka reer galbeedka, tan iyo markii uu sanadkii 2014-kii qaatay gobolka Crimea ee ka tirsanaan jiray waddanka Ukraine.

6. Shiinaha

Waddanka Shiinaha wuxuu keystaa keyd dahab oo dhan 1,948.3 tan.

Shiinaha waa waddanka ugu weyn caalamka ee sameeya wax soo saarka, isagoo 12% ka ah wax soo saarka macdanta adduunka.

Sidoo kalena waa waddanka ugu weyn ee isticmaala wax soo saarkaas, maadaama dadka shacabka ah ee dahabka u baahan ay badan yihiin. Taasi waxay dabcan keentay inuusan keyd badan yeelanin.

7. Switzerland

Waddanka Switzerland wuxuu keystaa keyd dahab oo dhan 1,040 tan.

Switzerland, inkastoo ay ku jirto kaalinta toddobaad, waxay leedahay keydka ugu badan ee dahabka adduunka, markii loo tiriyo hal hal. Inta badan dahabkeedana waxay ku iibisaa Hong Kong iyo Shiinaha.

8. Japan

Waddanka Japan wuxuu keystaa keyd dahab oo dhan 765.2 tan.

Japan, oo ah waddanka saddexaad ee ugu dhaqaalaha badan adduunka, Bangigiisa Dhexe wuxuu ahaa mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee hoos u dhiga qiimaha faa'iidada dulsaarka ah ee iibka dahabka. Sanadkii 2016-kii, waxaa qiimaha dul saarka ee bangigaas laga hoos mariyay eber. Taasi waxay sababtay inuu aad sare ugu kaco dalabka dahabka.

9. Hindiya

Waddanka Hindiya wuxuu keystaa keyd dahab oo dhan 654.9 tan.

Hindiya waa waddanka labaad ee dahabka ugu badan ka isticmaala caalamka, waana mid ka mid ah dalalka sida fiican u kala socodsiiya dalabka guud ahaan dunida. Inta badan dahabka uu dalkaas isticmaalo waa mid loo soo dhoofiyo.

Xilliga Hindiya laga sameeyo xafladaha arooska iyo munaasabadaha kale, oo ku beegan bilaha October ilaa December, ayaa si taariikhi ah loo iibsadaa dahabka.

10. Netherlands

Waddanka Netherland ama Holan wuxuu keystaa keyd dahab oo dhan 612.5 tan.

Sanadkii 2014-kii, Netherlands waxay waddankeeda kusoo ceshatay 20% ka mid ah keydkeeda dahabka, iyadoo kasoo qaadatay New York islamarkaana geysatay magaalada Amsterdam.

2019-kii, Bangiga Qaranka ee Datch-ka wuxuu dahabka ku tilmaamay "dhaqaalaha la aamini karo", wuxuuna sheegay inuu kaalin weyn ka qaadan karo dib usoo nooleynta dhaqaalaha.

 

xigasho BBC

Category