Waa sidee xaaladda gobalka Hiiraan oo shaley dagaal uu ka dhacay ?

Beledweyne (RH)-Xaaladda deeganka kalabeerka ee u dhow magaalada Beledweyne ee xarrunta gobalka Hiiraan, ayaa maanta oo Arbaca ah, deggan waxaana xarrumaha magaalada la wareegay ciidamada AMISOM ee ku sugan magaaladaasi.

Magaalada ayaa tan iyo shaley waxaa ka taagnaa xiisad kaddib markii dagaallo u dhexeeya ciidamo daacad u ah guddoomiyihii horre ee gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo ciidamada HirShabeelle, dagaalkaas ayaa waxaa ku dhintay taliyihii qeybta booliska Gobalka Hiiraan Korneel Maxamed Macow Xalane iyo sarkaal kale.

Ciidamada AMISOM ayaa maanta la arkayay iyagoo ku sugan xarrumaha maamulka Gobalka Hiiraan oo horrey u joogeen ciidamo daacad u ah Yuusuf Dabageed oo dhawaan xilka laga qaaday.

Magaalada Beledweyne ayaa hadda waxaa ku sugan guddoomihii horre ee gobalka Hiiraan Yuusuf Dabageed iyo guddoomiyaha madaxweynaha HirShabeelle Waarre u magacaabay gobalkaas Cali Muxumad Caraale.

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa guddi gaar ah u xil saartay xiisaddii shaley ka dhacday deeganka Kalabeerka ee uu ku dhintay taliyihii qeybtii booliska gobalka Hiiraan.

Guddigan ayaa looga fadhiyaa in ay soo baaraan waxa dhaliyay xiisadaas.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category