War cusub oo ku saabsan Muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya

Nariobi (RH)-: Muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa kala qeybiyey danaha reer galbeedka oo labada dhinac lakala safan, kuwaas oo mid weliba dantiisa gaar u tahay.

Muranka waxa uu yahay dhul badeed cabirkiisu yahay 100,000 km oo isku wareeg ah oo laga heli karo Gaas iyo saliid.

Xiriirka labada dhinac ee Somalia-Kenya ayaa xumaaday bilowga sanadkan 2019-ka, markaas oo Soomaaliya lagu eedeeyay in suuqa ay geynayso xirmooyin Kenya ay leedahay.

Sidee ree Galbeedka ula kala jiraan labada dal???

Britain:

Waxay la safanyihiin Soomaaliya labo sababood, mid in shirkadda shidaalka Britain BP ay heshiis la gashay kula jirtay dowladdii Soomaaliya inta dhaxeysay 1981 ilaa 1991. Labo, in xiriirka Kenya iyo Britain uu xumaaday markii Kenya ay xiriiro ganacsi la gashay dalalka Mareykanka iyo China taa oo London ka xanaajisay.

Norway:

Waxey la dhinac tahay Soomaaliya labo sabab, tan hore waa in ay u arkaan xiriir wanaagsan oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya maadaama Raysul Wasaaraha uu yahay muwaadin Norwegian ah. Iyo tan dambe oo ah in shirkadda shidaalka Norway Statoil laga ceyriyey Kenya sidaa darteed ay dooneyso in Soomaaliya ay la xirato.

Mareykanka:

Waxa ay la socdaan Kenya labo sababood, Kow heshiis dhacay dhowaan oo u dhaxeeya Kenya iyo Mareykanka oo ku kacaya $100m iyo shirkadaha shidaalka Mareykanka oo heshiisyo la saxiixday Kenya.

France:

Waxa ay la dhinac tahay Kenya, sababtu waa in shirkada Total ay heshiis la gashay Kenya.

Warbixinta waxaa qoray Muthengi Maluki oo macalin ka ah jaamacadda Nairobi qeybta siyaasadda, waxaa lagu baahiyey webka QZ oo ka faalooda dhaqaalaha, tiknoolajiyadda iyo hal abuurka.

W/Q: Fu'aad Xaaji Cabdiwali.

 Faahfaahin dheeraad ah lifaqan hoose gujji:

https://www.google.com/…/us-uk-france-norway-pick-side…/amp/

Category