War Deg-Deg Ah Madaxweynaha Somaliland Oo isku-Shaandhayn ku Sameeyey Xukuumadiisa

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-286/032019, uu Xilka qaadis, Magacaabid iyo Isku-beddel ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne

 

Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Wasiiradda

 

 

Ku:      Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Diiriye (Guri Barwaaqo);

            Wasiirkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

       

Ku:      Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle;

            Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga

 

Ku:      Maxamed Muuse Abees

            Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

 

Mudanayaal,

 

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen ee kala ahaa:

 

  1. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.
  2. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.
  3. Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka.

 

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.

 

Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Agaasimeyaasha Guud

 

Ku:      Jamaal Cabdilaahi Muxumed

            Agaasimihii hore ee Wasaaradda Gaashaan-dhiga

       

Ku:      Maxamed Xuseen Axmed Dhabbeeye

            Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo     Arrimaha Dastuurka

 

Ku:      Cabdikariim Xuseen Siciid

            Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo          Ciyaaraha

 

Mudanayaal,

 

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen.

 

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.

 

Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Wakiilada

 

Ku:      Xasan Hirad Yaasiin

            Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta

       

Ku:      Ayaanle Salaad Diiriye

            Wakiil  Ku Xigeenkii hore ee Somaliland ee Dalka Kenya

 

Mudanayaal,

 

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen.

 

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.

 

Magacaabida

Wareegto Madaxweyne

 

Magacaabid

 

Markaan Arkay:                  Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:                  Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay:          In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:           La-tashi Ballaadhan;

 

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

 

 

Tir

Magaca

Xilka

1.Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga

2.Maxamed Muuse Diiriye Wacays Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

3.Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda

4.LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka

5.Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

6.Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

7.Maxamed Yuusuf Ismaaciil  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha

8.Jamaal Cabdi Muuse Diiriye Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka

9.Maxamed Cabdillaahi  Siciid Khaawi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

10.Mukhtaar Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

11.Farxaan Aadan Haybe Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda

12.Muniir Xaaji Cabdillaahi Abusite Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta

13.Sharmaarke Axmed Muxummed Geelle Wakiil Ku Xigeenka Somaliland ee Dalka Kenya

14.Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Togdheer

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.

 

Category