War Deg-Deg Ah:-Shirweynihii Golaha Dhexe Ee Xisbiga  Kulmiye Oo Dib U Dhacay

Hargeysa(RH)Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere oo goordhaweyd warbaahinta la Hadley ayaa  shaaca ka qaaday  in dib loo dhigay shirweynihii  golaha dhexe ee xisbigaasi Kulmiye  oo lagu waday inuu magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal ka furmo 23 Bishan .

Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere waxaa uu sheegay in dib u dhac ku yimid Shirkaasi mudo laba maalmood ah.

Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere waxaa uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo sababaha keenay in dib u dhac ku yimaado shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye.

 

 

 

Category