War-Deg-Deg Ah :-Xildhibaan  Xaaji Cabdi waraabe Oo ku Geeriyooday Hargeysa

Hargeysa(RH)Allah Ha U Naxariistee Waxaa Goordhaweyd ku Geeriyooday Cispitaalka Internationalka ee  Magaalada Hargeysa Marxuum Xildhibaan  Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi waraabe )oo ka  mid ahaa Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland .

Geerida Marxuum Xaaji Cabdi waraabe waxaa Radio Hormuud U Xaqiijiyey Qaar ka mid ah Ehelada Marxuumka .

Allah Ha U Naxariistee Marxuum Xildhibaan Xaaji Cabdi waraabe ayaa mudooyinkii u dambeeyey u Jiifay Xaalad Caafimaad

 

Marxuum Xildhibaan Xaaji Cabdi waraabe ayaa waxaa Uu  ka mid ahaa Xubnihii lagu Aas-Aasey Golaha Guurtida Somaliland,isagoo Ahaa Mudanihii ugu Da'da waynaa Golahaaasi.

Allah Ha U Naxariistee Marxuum Xildhibaan Xaaji Cabdi waraabe waxaana Uu Door Muhiim Ah ka soo qaatey Nabadayntii Somaliland waxaanu ku Suntanaa dhismaha Dowladnimada iyo Xasilinta Somaliland

 

Category