Wararki ugu waa weynaa wadanka Denmark todobaadkan.

RH Kolding: Waxaa xisbiyada wadanku isla ogolaadeen in lasoo qaado qaar ka mid ah hooyooyinkii denishka ahaa ku biirey Dacish iyo caruurtoodii, kuwaas oo ku jira xero lagu hayo oo lagu magacaabo Alhoor kuna taala wadanka suuriya, arinkan oo ay dawladu markii hore diidaneyn ayaa lasheegayaa in ay ku khasbeen xisbiyada bahwadaagta la ah dawlada ee ay kalsoonidooda ku dhisan tahay, dadkan lasoo qaadayo ayaa waxaa ku jirta hooyo denish ah oo leh saddex caruura oo ay u dhashey nin soomaaliya oo isna barigaasi ku biirey Daacish, kaas oo lagala noqdey jinsiyada Denmark loona diiday in uu ku soo laabto dalka Denmark.

 

Waxaa lasoo gababo gabeeyey xurguf ka dhallatey dambiileayaal ku xidhan wadanka denmark gudihiisa kuwaas oo la rabey in laga soo raro waqooyiga gobalka Yuulaand loona soo raro jariisada Laangalaan ee isla Denmar.

Kadib kolkii dadweynihii Jasiiradu  ka mudaharaadeen in dhibka dhankooda loosoo raro ugu dambeyn waxaa la isla gartey in ay halkooda  sii deganaadaan , dadkan ayaa ah ilaa 138 qof oo ay maxkamaduhu ku xukumeen in wadanka  laga mastaafuriyo dambiyo kala duwan oo ay galeen kadib, balse ay suurto gal unoqon wayday Denmark in ay mastaafuriso maadaama oo laga cabsi qabo in ay jidhdil la kulmaan hadii dalkii ay kasoo jeedeen loo celiyo.

 

Denmark ayaa dib loo furay 14.06. kadib koldii dalku mudo dheer ku jiray xayiraado kala duwan, waxaana ay maanta  ku suntantahey maallintii maaskaha ama afxidhka la tuurey, waxaana wadanka Denmark laga dareemayaa in noloshii caadi kusoo noqotay, dhanka talaalka ayaa meel wacan maraya waxaana talaal buuxa qaatay kalabadh daweyna.

 

Dugsiyada sare ee wadanka Denmark ayaa lugu soo rogay sharci waajibinaya in la isku badhxo dhallinyarada ka soo jeeda qoyasaska ladan iyo kuwa kasoo jeeda qoysaska saboolka ah oo u badan ajanabi waalidkood kasoo qaxeen colaadaha ka dhacay 40 kii sanno ee la soo dhaafey dalka islaamka ,Ujeedada ayaa ah in aaney soo bixin jiil dhan oo aan dalka iyo dadka dhexgallin .

 

Waxaa ladnaan dareemaya kabtanka wadanka Denmark kadib kolkii uu sabtidii miyirdoorsoomey oo uu istaaga kadhacay iyada oo ciyaartii tartanka kubada cagta ee qaarada yurub socoto,Kiristian erikson ayaa wargeysaka ciyaaraha ee wadanka Talyaaniga u sheegay in aanu is dhiibin rajana kaqabo in ciyaaraha ku soo laabto,  balse uu doonayo in uu marka hore ogaado wixii kudhacey maallintaas iyo wixii usabab ahaa.

 

Kala soco marwalaba Radio Hormuud

Waraka wadanka Denmark.

Category