Wararkii ugu dambeeyay shirarka Dhuusamaareeb ka socda

Dhuusamareeb (RH)-Magaalada Dhuusamaareeb waxaa weli ka socda kulamo u dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goballeedyada, balse illaa hadda ma jirto wax natiijo ah oo ka soo baxay.

Maanta waxaa la filiyay in shirarka labada dhinac ay si rasmi ah u billowdaan laakin weli illaa hadda ma jirto wax shir ah oo dhacay iyadoo xitaa xaley waqti dambe lagu gaaray shirar gooni-gooni ah oo u socday dhinacyada.

Dhinacyada ayaa ku kula aragti duwan nooca doorasho ee dalka ka dhaceysay, waxaana madaxweynaha uu ku adkeesanaya in doorashada ay ku dhacdo sida ay soo jeediyeen guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka halka maamul goballeedyada ay lee yihiin guddigan shaqadooda waa uu dhammaaday waa in laga hadlo nooca kale ee doorasho ay ku dhaceyso.

Sidoo kale, warar ayaa sheegaya in madaxdu ay ballan qaadeen in aan Dhuusamareeb aan laga tegin illaa inta xal gaarayo nooca doorasho ee ka dhacda dalka.

Ma jirto xilli rasmi ah oo la qoondeeyay in dib shirka u furmo laakin waxaa la filayaa in shirkar uu dhacdo galinka dambe ee maanta illaa iyo caawa, berrina laga soo saaro war-murtiyeed qodobada madaxdu ay ku heshiiyeen.

Shirka waxa uu u dhexeeya madaxweynaha, raysal wasaaraha iyo shanta madaxweyne ee dowlad goballeedyada.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category