Wararkii ugu dambeeyay weerarkii Hotelka SYL ee Muqdisho

Muqdisho (RH)-In ka badan shan qof ayaa ku dhintay ku dhawaad 15 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarkii xaley Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka SYL, oo aana sidaas uga fogeyn xarrunta madaxtooyada Soomaaliya.

Dadka ku dhintay weerarka waxaa ka mid ah Maxamuud Ismaacil Warsame oo loo yaqaanay Muuf, kana mid ahaa saraakiisha sida gaarka u ilaaliya madaxweynaha iyo ra'iisal wasaaraha, islamarkaana Villa Somalia joogay tan iyo 2007-dii.

Dadka dhaawacay ayaa looqaaday isbitaaalada, waxaa ku jira laba xildhdibaan.

Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka hotelka SYL, oo aan ahayn markii ugu horreysay oo la weerarro, waana hotel ay deggan yihiin saraakiisha sar sare ee dowladda sida wasiiro, xildhibaanano, saakiil ciidan iyo dad qurbaha ka yimaaday.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo magaalada Muqdisho ay ka nasatay muddo shan bilood, waxaana weerarkii ugu damabeeyay ee ka dhacay magaalada ayaa ahaa kii uu ku dhintay duqii caasimadda ee 24-kii July.

Weerarka Al-Shabaab ku qaadeen hotelka SYL, ayaa ka duwanaa kii ay horrey uga geesan jireen Muqdisho, waayo weerarraddii horre marka horre waxa ku weerari jireen gawaari ay ka buuxaan qaraxyo, laakiin kii xaley rag hubeysan ayaa hotelka galay.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category