Wararkii ugu dambeeyay Xiisadda Galmudug

Gaalkacyo (RH)-Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa aqbalay in muddo xillileedkiisa uu dhammaaday isla markaana la qabto doorasho afarta Luuliyo ee sannadkan.

Xaaf ayaa hadalkan ku sheegay kaddib warqad uu ka soo saaray Gudinlabe oo uu hadda ku sugan yahay isagoo hadalkiisa intaas ku daray in doorashada Galmudug lagu qaban doono magaalada Cadaado.

Xaaf ayaa ka dhawaajiyay in heshiiskii lala galay Ahlu Sunna uu burburay.

Hadalkiisa ayaa yimid iyadoo war-saxaafadeedyo isdaba socda ay ka soo kala baxeen wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya iyo madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Macallin Shaakir Xasan.

Warqadda labadan dhinac ka soo baxay ayaa is waafaqsanaa, waxaana lagu sheegay in doorashada Galmudug la qaban doono afarta bisha July laguna qaban doono magaalada Dhuusamarreeb.

Khilaafka Galmudug ayaa in muddo soo jiitamayay, waxaana uu horseeday in Galmudug ay kala jabto, sidoo kale garabka Xaaf ay xiriirka u jareen dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, waxaa hadda la hubaa in dhinacyada is khilaafsan ee kala ah dowladda federaalka, madaxweyne Xaaf iyo xubnaha kale ee Galmudug ay isku waafaqsan yihiin in la qabto doorasho balse halka lagu qabanayo ayaa su’aal ay ka taagan tahay.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category