Wararkii ugu dambeyay toogasho ka dhacday caasimadda Oslo

Oslo (RH)-Ugu yaraan labo qof ayaa dhintey in ka badan 10 kalena waa aku dhaawacmeen kadib markii toogasho ay ka dhacday meel lagi caweeyo oo ku taalla caasimadda Oslo.

Booliska. ayaa sheegay in ay u maleenayaan toogashada inuu fuliyay ruux ku sugnaa goobta weerar uu ka dhacay oo lagu magacaabo London Pub oo ku taal caasimadda Oslo.

Illaa hadda ma cadda sababta weerarkan uu u dhacay, laakin booliska waxa ay xaqiijiyeen in ay qabteen nin laga shakisan yahay oo ku sunnaa meel u dhow goobta ay wax ka dhaceen.

Idaacadda Norway ee NRK, ayaa wareystay madaxa howlgallada booliiska Oslo Tore Barstad, kaasoo sheegay in guud ahaan 10 qof ay ku dhaawacmeen weerarada oo la dawenayo kuwaasoo saddex ka mdi ah ay xaaldooda aad u liidato.

Sidoo kale, waaxda booliska Oslo ayaa qoraal ay soo dhigtey barteeda Twitter-ka ku sheegtay in labo qof ay ku dhinteen weerarka.

Sidoo kale, Idaacadda Norway waxa ay baahisay in saddex goobood oo kala duwan ay ka dhaceyn weeraro balse ma sheegin wax intaas ka dheer.

Sidoo kale, goobjooge ku sugnaa mid ka mid ah meelaha ay wax ka dhaceyn ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in uu xabbado badan maqlay uuna ku baxsaday gudaha baar uu xilligaas ku sugnaa si uu u badbaado.

Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa la dhigay Isbitaalka Jaamacadda Oslo kuwaasoo gaaraya illaa lix qof oo dhaawac ah, kuwaas oo aan xaaladooda la ogeyn, sida ay TV2 u sheegtay haweeney u hadashay isbitaalka.

Dalka Norway ayaa sannadkii 2011-kii la kulantay mid ka mid ah toogashooyin wadareedyadii ugu xumaa ee ka dhaca qaarada Yurub, kadib markii nin garabka midig u janjeera uu 69 qof ku dilay jasiirada Utoya kadibn bam ku qarxiyay magaalada Oslo oo ay ku dhinteen 8 qof.

Sannadkii 2019-kii, nin kale oo xag-jir ah oo garabka midig ah ayaa dilay gabadhiisii ka dibna rasaas ku furay masaajid laakiin waa laga adkaaday isagoo cidna dhaawacin.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category