RADIO HORMUUD – WARARKA DENMARK 🇩🇰
📅 Wararkii ugu muhiimsanaa Koonfurta Denmark
1–13 Oktoobar 2026 (RH)🎙️ Hordhac
Dhagaystayaal iyo akhristayaal, kusoo dhowaada wararka Radio Hormuud. Waxaan maanta idiin haynaa wararkii ugu muhiimsanaa gobolka koonfurta Denmark, kuwaas oo la xiriira amniga, bulshada, waxbarashada iyo deegaanka.
🔴 1. VEJLE – HAL QOF OO KU GEERIYOODAY DAB
Magaalada Feyle, oo af Danish lagu yiraahdo Vayle, ayaa waxaa dab ka kacay guri ku yaalla waddada Enghavevej. Hal qof ayaa ku geeriyooday dhacdadaas.
Booliska ayaa xaqiijiyey geerida 11-kii Oktoobar, waxaana socday baaritaanno lagu ogaanayo sababta dabka.
🔴 2. DENMARK – DIGNIIN KU SAABSAN XOGTA SHAKHSIGA AH
Mas'uuliyiinta Denmark ayaa digniin ka bixiyey khatar la xiriirta xogta gaarka ah ee dadka, oo ay ku jiraan magacyada, cinwaannada iyo lambarrada aqoonsiga ee CPR.
Dadweynaha waxaa lagula talinayaa inay ka taxaddaraan telefoonada, farriimaha iyo iimayllada looga codsanayo xogtooda gaarka ah.
🔴 3. VEJLE – MASHRUUC LAGULA DAGAALLAMAYO FATAHAADAHA
Degmada Feyle ayaa hirgelisay mashruuc cusub oo lagu kaydinayo biyaha roobka, si looga hortago fatahaadaha marka roobab xooggan da'aan.
Mashruucan ayaa qayb ka ah qorshaha lagu ilaalinayo magaalada iyo dadka deggan.
🔴 4. VEJLE – LABO BOQOL OO KUN OO KAROON OO LAGU TAAGEERAYO BULSHADA
Degmada Feyle ayaa u qoondeysay 200,000 oo karoon sanduuq lagu taageerayo is-dhexgalka dadka cusub iyo bulshada deegaanka.
Ururrada bulshada ayaa codsan kara taageeradan, waxaana waqtiga kama dambaysta ah ee codsigu yahay 9-ka Noofambar 2026.
🔴 5. ODENSE – LACAG LAGU YAREYNAYO MAQNAANSHAHA ARDAYDA
Magaalada Oonsi, oo Danish lagu yiraahdo Odense, ayaa sannadkii u qoondeynaysa 9.5 milyan oo karoon dadaallada lagu yareynayo maqnaanshaha ardayda dugsiyada.
Qorshuhu wuxuu diiradda saarayaa taageeridda carruurta iyo qoysaska ay la kulmaan caqabado waxbarasho iyo nololeed.
🔴 6. GOBOLKA KOONFURTA DENMARK – ABAALMARIN LOO QOONDEEYAY MUTADAWICIINTA
Gobolka waxaa ka socda codbixin lagu dooranayo hawsha mutadawacnimo ee sannadka 2026.
Hindisaha guuleysta wuxuu heli karaa 10,000 oo karoon oo lagu horumarinayo hawlaha bulshada. Codbixintu waxay soconaysaa ilaa 28-ka Oktoobar.
🔴 7. KOLDING – QOF LOO XIRAY HANJABAAD MINDI AH
Magaalada Koling, booliska ayaa 3-dii Oktoobar xiray qof lala xiriiriyey hanjabaad mindi ah.
Dhacdadu waxay ka dhacday waddada Vejlevej. Sida ay boolisku sheegeen, ma jirin cid wax ku noqotay dhacdada.
🔴 8. SØNDERBORG – NIN 19 JIR AH OO LOO XIRAY HANJABAADO
Magaalada Soonderboor, booliska ayaa xiray nin 19 jir ah oo lala xiriiriyey hanjabaado loo fasiran karay weerar dugsi.
Ninka ayaa markii dambe la sii daayey, waxaana la sheegay in aan hub laga helin isaga ama gurigiisa.
🔴 9. SKÆRBÆK – BOOLISKA OO ADEEG MOOBIL AH BILAABAYA
Magaalada Iskerbek, oo Danish lagu yiraahdo Skærbæk, booliska ayaa bilaabaya adeeg moobil ah oo dadka deegaanka u sahlaya inay si toos ah ula xiriiraan saraakiisha booliska.
Adeeggan ayaa bilaabanaya 14-ka Oktoobar, waxaana la qorsheeyey inuu shaqeeyo Arbac kasta laga bilaabo 10:30 subaxnimo ilaa 12:00 duhurnimo.
━━━━━━━━━━━━━━--------------------------------------------------
🎙️ GUNAANADKA RADIO HORMUUD
Kuwaasi waxay ahaayeen wararkii ugu muhiimsanaa ee laga soo ururiyey koonfurta Denmark intii u dhexeysay 1-da iyo 13-ka Oktoobar 2026.
Radio Hormuud waxay idiin soo gudbisaa wararka Denmark iyo caalamka, iyadoo mudnaanta siinaysa arrimaha khuseeya bulshada Soomaaliyeed.
Waxaad wararkeena iyo warbixinnada kale kala socon kartaan:
🌐 www.radiohormuud.dk
📰 RADIO HORMUUD – CODKA BULSHADA SOOMAALIYEED.
Fiiro gaar ah: Magacyada magaalooyinka qaarkood waxaa loo qoray sida uu qof Af-Soomaali ku hadla ugu dhawaaqi karo, halkii laga isticmaali lahaa higgaadda Danish-ka.