Wasaarada Beeraha JSL Oo Tababar U Soo Xidhay Xubno ka kala Socday Hargeysa, Burco, Boorama,  Laascanood iyo Oodwayne

Hargeysa(RH)Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Muumin Seed ayaa Tababbar u soo xidhay 15 Qof oo ka mid ah Muwaadiniinta ka ganacsada Abuurka Beeraha ama Siidhka oo saddexdii Maalmood ee u dambeeyay Tababbar uga socday Magaalada Hargeysa.

Tababbarkan oo ku saabsanaa sidii loo heli Abuur tayo leh, ayaa intii uu socday waxay ku barteen 15-ka Qof ee ka soo qayb-galay Casharro ku saabsan Abuurka tayada leh, sifooyinkiisa iyo sidii looga feejignaan lahaa Shinida tayadeedu hoosayso iyo kuwa xanuunada qaba.

Tababbarkan oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee loo qabto dadka ka ganacsada Abuurka beeraha ayaa waxa bixinayay aqoon-yahanno ka tirsan shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland, gaar ahaan qaybta Mashruuca Abuurka (Soma-seed Project).

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Muumin Seed oo tababbarkaa soo gebogebeeyay isla-markaana u soo xidhay ka qayb-galayaasha ayaa hadal uu halkaa ka jeediyey ku sheegay in Wasaaraddu ku hawlan tahay sidii uu dalku u yeelan lahaa Kaydka Shinnida (Seed Bank) si looga maarmo Abuurka dibedda inooga yimaadda.

Wasiirku wuxuu sheegay inay joojiyeen shinidii dibedda inooga iman jirtay, iyadoo aan lasoo marin shaybaadhka Abuurka ee Wasaaradda inta aan dalka la keenin si looga hortago Shinida aan bed-qabin iyo ta aan ku haboonayn dhulkeena ee tayadeedu hoosayso.

Wasiirka ayaa kula dardaarmay ka soo qayb-galayaasha Tababbarka inay ka faa’idaystaan casharradii ay ku qaateen Tababbarka muddadi u socday, kuna dabaqaan shaqooyinkooda, isagoo uga digay Abuurka (Seeds) aan Wanagsanayn ee  tayadiisu hoosayso inay waddanka keenan.

Gebo-gabadii, Wasiir Axmed Muumin Seed wuxuu ku amaanay Hawl-wadeennada Mashruuca Soma-seed (Soma-seed Project ) ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL, siday ugu hawlan yihiin ka midho-dhalinta rejada Wasaaradda ee ah inay hesho kayd Shini (Seed Bank).

Ugu dambayn, 15-ka xubnood ee Tababbarka loo soo gabo-gabeeyay ayaa ka kala socday Magaalooyinka Hargeysa, Burco, Boorama,  Laascanood iyo Oodwayne.

 

Category