Wasaarada Beeraha Somaliland Oo Shaacisay inay Todobaadkan Beeraha U Qodi Doonaan 9,000 Qoys

Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland  Axmed Muumin Seed ayaa ku dhawaaqay inay todobaadkan gudihiisa wasaaraddu qodi doonto beeraha 9,000 (Sagaal kun oo qoys), iyada oo qoys walba ku soo hagaagayso Sadex saacadood oo qodaal ah.


Beeralayda qodaalka loo samaynayo ayaa u badan dadkii Abaaruhu saameeyeen, iyada oo dhaqaalaha loogu qodayo ka yimid qaadhaanka bulshada laga ururiyey ee ay gacanta ku hayeen guddida ka soo kabashada abaaruhu.


Wasiirka ayaa sidan ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Tirada guud ee qodaalka saacadaha beeralayda loo qoondeeyey in loo qodo xilligan Guga waxay tiradoodu dhan tahay 9,000 (Sagaal Kun) oo qoys, Waxaana qoyskiiba loo qodayaa 3 Saacadood, taasi oo isku geyn noqonaysa 27,000 (Todoba iyo labaatan kun) oo Saacadood loona qodi doono Beeralayda Gobolada iyo degmooyinka dalka, taasi oo dhaqaalaha lagu qodayo ka helnay guddida ka soo kabashada Abaaraha”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Wasaaradda horumarinta beeruhu waxay cadaynaysaa in Gobolada Maroodi-jeex, Togdheer, Saaxil, Awdal, Gabiley, Hawd iyo Daadmadheed qodaalka beeruhu uu ka bilaabmi doono 10 April 2018 ka, Gobolada Saraar, Sool iyo Sanaag uu ka bilaabmi doono maalinta Arbacada 11 April, 2018, Haddii ALLE ka dhigo, waxaanay Wasaaradda Horumarinta Beeruhu hore u diyaarisay magacyada beeralayda loo qodayo saacadahaasi.

Wasaaradda beeruhu waxa ay diyaarisay shaqaalihii ka hawlgalayey goob kasta oo shaqada qodaalka laga fulinayo, si loo dar dar galiyo loona hubiyo habsami u socodka shaqada beeralayda loogu adeegayo”.


Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Wasaaradda Beeruhuna qodaal ku samaynayso Sadex Goobood, waxaanu yidhi “Wasaaraddu sanadkan waxa kale oo ay qodi doontaa Sadex goobood oo kala ah Wajaale, Xaaxi oo Oodweyne ka Tirsan iyo Deegaanka Beer oo Togdheer ka tirsan, waxaananu rajaynaynaa inaanu wax soo saar balaadhan ka samayno”.

Category
Location