Wasaarada Maaliyadda Somaliland Oo Tababar U Furtey Hay”adaha Dowlada

Hargeysa(RH)Wasiirka Wasaarada Horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa Maanta  Magaaladda Hargeisa ku Daah-furay Kulan-hawleed ay Wasaaradda Maaliyadu u qabatay Agaasimayaasha Guud iyo Guddoomiyayaasha Hay’addaha Dawladda Somaliland, kaas oo lagu Lafo-guray Doorka ay ku leeyihiin Nidaamka Maamulka Maaliyadda dalka, sida Diyaarinta Miisaaniyadda, Dakhliga, Dabagalka iyo Isla-xisaabtanka iyo sidii ay door muuqda uga ciyaari lahaayeen Nidaamka Dib u habaynta Maamulka Maaliyadda ee PFM-ka.

 

Sidoo kale waxa madashaasi ka hadlay oo tafaasiil ka bixiyey Ujeedada iyo faaidada kulankaasi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Md Md Maxamed Cabdi Gurxan, waxa kale oo kulankaasi ka soo qaybgalay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda horumarinta Maaliyadda Md Muuse Ibraahim Salaf iyo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Md Axmed Daauud Geedi iyo Agaasimayaasha Waaxaha Kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda ee uu kulankaasi khuseeyo.

Category