Wasaaradda Beeraha Somaliland Oo ka Hadashay Ayax Mar kale ka Dilaacay Dalka

Hargaysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa maanta ka warbixiyey  Ayax ka dilaacay meelo ka mid ah dalka .

 

Wasiirka wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay in ay ka diyaar garoobeen hawsha dilaacida Ayaxa, isla markaana ay si deg-dega ah uga hortageen iyaga oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo gaadiidkaku gaashaaman agabka lagula dagaalamayo Ayaxa.

 

Wasaaradda horumarinta beeraha ayaa guul weyn ka gaadhay in ay yarayso dhibaatada Ayaxa, iyada oo ka xakamaysay dhul cabirkiisu gaadhayo 446,95km Square, kaas oo isugu jira dhul beereed iyo dhulka xoolo daaqeenka ah.

 

Wasiirka wasaaradda horumainta beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, waxa uu sheegay iyaga oo kaa shanaya ka wasaarad ahaan hay’adda cuntada iyo beeraha ee FOA, in ay guulo waaweyn ka gaadheen la dagaalanka Ayaxaasi ku habsaday deegaanka ka tirsan gobollada iyo degmooyinka dalka.

 

Gebo-gabadii wasiirku waxa uu fariin u diray shacabka Somaliland gaar ahaan dadka ku dhaqan deegaanada uu Ayaxaasi ka dilaacay in ayna sun lagu buufinayo Ayaxu aanay wax dhibaato ah u lahayn dadk iyo xoolaha midna, balse ay tahay mid Ayaxaasi ka joojinaysa cunida dalaga, isaga oo ka codsaday in ay la shaqeeyaan hawla wadeenada waaxda badbaadada beeraha.

Category