Wasaaradda Biyaha Somaliland iyo Jaamacadda Makale Ee Dalka Ethiopia Oo Heshiis kala Saxeexday

Hargeysa(RH)Wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland iyo jaamacadda Maqale ee ku taalla Dawlad deegaanka Tigreega  ee dalka Itoobiya, ayaa kala saxeexday heshiis dhigaya in labada dhinac ay iskaga kaashadaan aqoonta dhinaca  biyaha.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil iyo wefti uu hoggaaminayo, oo ku sugan xarunta magaalada Maqale ee waddanka  Itoobiya, agaasimuhu wuxuu sheegay heshiiskan ay ka mid tahay in jaamacadaasi ay wasaaradda horumarinta biyaha ay gacan ka siiso sida loo kordhiyo dakhliga horumarinta biyaha.

Geesta kale Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta biyuhu waxa uu sheegay in maamulkaasi uu ka  mid yahay kuwa ugu fiican ee ka faa’iidaysta biyaha roobka, waxaanu xusay in ay ka wada hadli doonaan siyaabaha ugu habboon ee biyaha roobka loo qaban lahaa, loogana faa’iidaysan lahaa

Weftiga agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland ayaa  lagu wadaa inay kulamo kala duwan la yeeshaan masuuliyiinta dawlad deegaanka Tigreyga ee dalka Itoobiya.

 

Category