Wasaaradda Deegaanka Somaliland Oo Howlgalo ka Fulisay  Degmadda Ceel-Afweyn

Ceel-Afweyn(RH):-Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa deegaamo ka tirsan degmadda Ceel-afweyn waxay ka fulisay hawl gallo lagu bur-buriyay dhir fara badan oo dhuxul laga shidayay.

Deegaamada Dhadhin Yaxye, Xamilka, Beer wayso, God caanood iyo deegaamo kale oo dhamanatoodba ka tirsan degmadda Ceel Afweyn iyo iyo Ceerigaabo.

Deegaamadaasi laga sameeyay dabar goyn dhirta waaweyn ee wax galka oo six un loo gumaaday, isla markaana dhuxul laga shidayay.

Hawl galka lagu bur-buriyay dhuxulaysigaasi waxaa hor kacayay madaxa wasaaradda deegaanka iyo horumarinta ee degmadda Ceel Afweyn iyo maayarka degmadaasi.

Maamulka wasaaradda deegaanka ee Ceel Afweyn, ka degmadda Ceel Afweyn iyo ciidamadda ayaa bur-buriyay dhir fara badan oo la jaray, isla markaana loo diyaariyay in dhuxul laga shiddo.

C/raxmaan Xuseen Aadan, isuduwaha wasaaradda deegaanka iyo horumarinta deegaanka ee degmadda Ceel Afweyn, fariin u diray dadka deegaanka oo uu sheegay in ay iyagu masuul ka yihiin dhibka lagu hayo dhirta.

“Dadka dhirtaa gubay, ee sidaa u xasuuqayaa, waa dad deegaanka ah. Ma aha dad soo duulay oo meello kale ka yimid. Waxaan ugu baaqaynaa maamulka degmo ama tuullo kastaba iyagaa ka koow ah xaalufka dhirta lagu hyao. Waayo? Haddii aanay iyagu soo sheegin oo aanay wax nagala qaban”ayuu yidhi C/raxmaan Xuseen.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Waxaanu ugu baaqaynaa cid kasta oo danaynaysa deegaanka bad-baadintiisa, in lanagala shaqeeyo deegaanka bad-baadintiisa. Waxaanu balan qaadaynaa, danbiileyaasha halkaa ka carraray in aanu kiiskoodda maxkamadda la tiigsanayno”.

Geesta kale maayarka degmadda Ceel Afweyn, C/raxiin Aw Yuusuf Axmed, ayaa isna digniin u diray dadka ku hawlan dhuxulaysiga oo uu tilmaamay in ay si daran u gumaadeen dhirtii faa’iidadda u lahayd deegaanka iyo dadkaba.

Waxaanu yidhi, “Dhuxusha gawaadhi baa lagu gurra Puntland ka timaadda. Gaadiidleyda Puntland ka timaadana, waxaanu uga digaynaa in aanay gaadiidkoodu xagan dhuxul u soo doonan deegaankan degmadda Ceel Afweyn.

Ha ogaado, kamana hadli karro, kamana daba iman karro, gaadhiga dhuxusha qaadaya halkiisa ayaanu ku gubaynaa. Dhuxusha lafteedana waanu gubaynaa. Dadka dhirta sidaa gacmahoodda ugu gumaaday, sharciga ayaanu hor gaynaynaa, iyo maxkamadaha.

Maayarka Ceel Afweyn ayaa u mahad celiyay wasiirka deegaanka oo uu sheegay in ay weyn ugala shaqayso ilaalinta deegaanka iyo la dagaalanka xaalufka dhirta iyo dhuxulaysiga.

“Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland aad iyo aad ayaanu ugu mahad celinayaa sida ay u danaynayso, ee ay uga war hayso arrimaha bad-baadinta deegaanka. Iyadoo dhawaana degmaddan soo siisay gaadhi. Waa wasiirka keliya ee degmadda Ceel Afweyn iyo deegaakani wuxuu u baahnaa u qabtay” ayuu yidhi C/raxiin Aw Yuusuf.

 

Category