Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Oo Berbera Ka Daah-Furtay Xarunta Baadhista Bed-Qabka Gaadiidka.

Berbera(RH):-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda gaadiidka iyo Horumarinta jidadka Somaliland Cumar Sayid Cabdilaahi Aadan, ayaa xadhiga ka jaray xarunta baadhista bed-qabka gaadiidka, kaas oo laga hirgaliyay magaalada Berbera.

 

Waxa xaruntaas lagu baadhi doonaa bed-qabka gaadiidka ka soo dega dekeda Berbera, waxaana halkaas hadalo ka jeediyay maamulka gobolka Saaxil iyo qaar ka mida masuuliyiinta ay ku midoobeen shirkadaha gaadiidleyda gobolkaas, masuuliyiinta shirada Alfa BBG oo ahayd shirkadii ku guuleysatay hirgalinta xaruntaas iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo sheegay in xaruntaasi tahay mid loo baahnaa, waxna ka tari doonta ilaalinta tayada gaadiidka dalka soo gala.

Maxammuud Axmed Sandheere oo ah gudoomiye ku-xigeenka gobolka Saaxil iyo maayar ku-xigeenka degmada Berbera Baashe Cabdilaahi Yacquub, ayaa bulshada Somaliland, siiba kuwa gobolka Saaxil u soo jeediyay inay iska hubiyaan tayada iyo bed-qabka gaadiidka ay wataan, waxaanay soo dhaweeyeen xaruntaas cusub ee lagu hubin doono bed-qabka gaadiidka.

Ugu dambayn agaasimaha wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cumar Sayid Cabdilaahi Aadan ayaa sheegay in xafiiskaasi muhiimad weyn u leeyahay ilaalinta bed-qabka gaadiidka dalka soo galaaya, waxaanu intaas ku daray in xarumo noocan oo kale ah laga hirgaliyay gobolo kala duwan oo dalka ah, isaga oo sheegay in xukuumaddu ku hawlan tahay ilaalinta bed-qabka gaadiidka dalka gudihiisa lagu wato iyo ka soo galayaba.

 

Category